Wasiiru Dowlahada Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa ka warbixiyay Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku joogo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, iyadoo ay ka wada hadleen Amniga, Ganacsiga, Maalgashiga, Hormarinta iyo la dagaalanka kooxda argagaxisada, wuxuuna wasiiru dowlada intaas ku daray in kulanka labada masuul uu ahaa mid dhaxalgal.
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka
RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...












