Dhibane Falxado Cali Xasan waa Gabar yar oo Shan Bilood jirta waxey la Xanuunsaneysaa Buro kaga taala Qeybta Dambe ee jirkeeda waxaana laga keenay Gobolka Shabeelaha Hoose Gaar ahaan Deegaanka Toora Toorow waxeyna ka soo jeedaa qoys sabool ah oo aan wax haysan,
Dhakhaatiirta isbitaalada waxa ay sheegeen in qaliin lagu sameynayo qarashaadka qaliinka ayaa lagu sheegay in uu gaarayo Afar kun oo doolar waalidiinta gabadhan yar waxey ka codsanayaan bulshada soomaaliyeed Dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka caawiyaan qarashaadkii lagu qali lahaa maadaama aysan heli karin
Aabe Cali Xasan ayaa ka dalbaday dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowlada soomalaiya in ay ka caawiyaan lacagahaasi lagu qalayo.
Shiikh C/fitaax Nuur Muude cade oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay fadliga ay leedahay in la caawiyo qof dhibaateysan.
Warbaahinta Qaranka Somaaliyeed ayaa sanadihii dambe xoogga saarasay in ay soo bandhigto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xanuusanaya cudurada kala duwan si ay bulshada wax haysata oga faaisadaystaan caawinta dadkaasi.
Hadaba Walaal ka wac Telkaan Haddii aad Caawinayso: 0618202028