Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id kuqabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay cudurka Coronavirus oo ku fidiya dalka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo aan ku wada dhaqmin talaabooyinka ka hortagga iyo is go’doominta, maadaama qaarkood aanay ku baraarug sanayn haliska cudurkan.
Wasiir Maareeye oo shacabka Soomaaliyeed uga digey halista Coronavirus oo ku baahaya dalka ayaa sheegay iney aaminsanyihiin jiritaanka kiisas fara badan oo Coronavirus oo aan ka ahayn kuwa Wasaaradda Caafimaadku diiwaan gelisay, wuxuu tilmaamay in la raaco fariimaha caafimaadka oo dadka ku dhinta magaalooyinka xanuunku ku badanyahay xogtooda Dowladda lala wadaago si loo baaro kooxaha caafimaadkuna u aasaan.
Wasiirka ayaa xusay inuu aad uga xunyahay in kiisaska ugu badan ee maalinlaha loo diiwaangelsho ay ugu horayso Soomaaliya marka labarbar dhigo wadamada Deriska ah, yaraynta faafka cudurkan ayuu sheegay inuu ku xirnaan doono hadba sida shacabku u qaataan wacyigelinta hay’adaha Caafimaadka.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarinayso cusbitaalada Martiini 2 iyo Martiini 3 oo lagula tacaalayo dadka COVID-19 uusoo rito.
Halkan ka daawo muuqaalka Wasiirka
https://www.facebook.com/sntvnews/videos/927569457693155/