Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay, in ka badana waxa soo garay dhaawacyayo ka dib markii u dab qabsaday tuulooyin ku yaal caasimadda Dalka Giriiga, Athens, sida ay sheegeen masuuliyiintu dalk Giriiga.
Dhimashada ayaa kor u kacday Talaadadii ka dib markii 26 qof laga helay meel u dhow magaalada dekadda leh ee Rafina, sida laga soo xigtay shaqaalaha Laanqayrta Cas iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Girgos Kokkolis.
Masuuliyiinta goobaha caafimaadka Giriigta ayaan xaqiijin kororka tirada dhimashada maaddaama meydadka aan weli la gaarisiin Isbitaalada dalkasi.
sida ay sheegeen saraakiisha dawladda waxaa si kordhaya dadka qaba dhawacyaadda inkasto an la ogeeyn tiraada saxada ee dhimashad kasoo garay dabka intaa hada la ogyahay qasaraha dadka kasoo garay in ay ku dhawayihin 150 qofka inay qaban dhawacayo kala duwan ,sidoo kalana burbur kasoo garay guryo iyo isticmaalka wadooyinka gaadiidka waaweeyn gabi ahan burburay.
Boqolaal ruux oo shaqaalaha dabdamiska ah ayaa ku hawlan daminta dabka, dadkuna waxay isaga carareen guryahoodii u dhawaa magaalada caasimadda ah ee Athens.
Waxaa socda hawlgal lagu baadi goobayo 10 ruux oo dalxiise yaal ah oo doon raacay iyaga oo dabka ka firxanaya, sida ay saraakiishu sheegeen.
“Waxaan samaynaynaa wax kaste oon awoodno si aan u xakamayno dabka, sida uu saxafiyiinta u sheegay Ra’iisulwasaare Alexis Tsipras.
Ammin hore oo Talaadadii ahna, Dimitris Tzanakopoulos oo ah afhayeen u hadlay dawladda ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay sare u kacday.
Dadkaas intooda badan waxay ku xayirmeen Mati oo ah goob badda qarkeeda ku taalla oo loo tamashle tago, waxayna 40km dhanka waqooyi bari ka xigtaa magaalad Athens, waxayna dhinteen iyaga oo guryahooda ama gawaaridooda ku jira