Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo la damiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay saaka suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo geystay qasaare hantiyadeed, iyadoo dhimashada inta la ogyahay la sheegay inay garayaan labo ruux iyo hal kale oo dhawac soo gaaray.

Gaadiidka dabdamiska ee dowladda Hoose ee Xamar iyo kuwa ay leeyihin shirkado si gaar ah loo leeyahay ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkii saaka ka kacay suuqa bakaaraha.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Dabka ayaa waxa uu geystay qasaaro badan oo hantiyadeed, waxaana uu saameeyey qeybo badan oo ka mid ah Suuqa.

Dabka ayaa markii hore ka kacay Suuqa Maacuunta isaga oo markii danbe ku siifiday qeybo badan oo suuqa ka mid ah, sida qeybta bacadlaha, dahablaha iyo Qeybta ay Isticmaalaan Dadka Farsamada Gacanta wax ku soo saara, Dabka ayaana gebi ahaanba baabiyey Suuqa Maacuunta oo Baaxad Weyn ku fadhiya.

Haweeney kamida ah Ganacstadda ayaa sheegtay in xalay xilli danbe suuqa timid ayna la-kulantay Suuqa oo gubanayo balse aysan jirin cid markaas wax qaban kartay.

β€œWaxaan imid suuqa xilli danbe oo xalay ah runtii waxaan arkay wax aad looga xumaado hanta umadda Soomaaliyeed oo gubaneysa aniga xitaa waxaa iga soo gaaray saameyn badan” ayay tiri haweeneydan.

Muuse Macalin waxaa uu isna kamid yahay Ganacstada oo dabku qasaaraha u geystay, waxaana uu dhextaagan yahay meelo ganacsi oo gubtay balse la-damiyey waxaana uu lahaa Goob Ganacsi aan laga aqoon Xarumaha Ganacsi ee Gubtay.

“Meelahaan kama qaan goobteydii ganacsi waa gubatay, waxaana sidoo kale gubtay hanta badan oo meeshaan taalay” ayuu yiri Muuse.

Dabka ayaa socday muddo ku dhowΒ  5 saacadood, waxaana markii dambe lagu guuleystay in la-damiyo Daminta Dabkaas, waxaa qeyb weyn ka qaatay dabdamista Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo ay shirkaddo GanacsiΒ  gaar u leeyihiin.

Intii uu danbku socdayΒ  waxaa suuqa tegay Intooda badan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka qeyb qaatay inay Dadka Dhibaatadu soo gaartay Gacansiiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaana kamid ahaa Mas’uuliyiinta tegay goobta uu dabku ka kacay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in qasaaraha intaan la-eg dabku u geystay iyada oo ay xirmeen Jidadkii waaweynaa Suuqa, taasna ay dhibaato ku noqotay Gawaarida Dabdamiska inay meesha gubatay sahan ku soo gaaraan.

“Waxaan gacan kasii doonaa sidii ay ku soo kabsan lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanti beelay, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii Suuqa Bakaaraha loogu sameyn lahaa Waddooyin waaweyn oo hadii dhibaato dhacdo gurmad loogu fidin karo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Cali Axmed Shiiqaalow

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post

Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda “SAWIRRO”

Next Post
Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda “SAWIRRO”

Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In