Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo la damiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 27, 2017
in Wararka
0
Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay saaka suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo geystay qasaare hantiyadeed, iyadoo dhimashada inta la ogyahay la sheegay inay garayaan labo ruux iyo hal kale oo dhawac soo gaaray.

Gaadiidka dabdamiska ee dowladda Hoose ee Xamar iyo kuwa ay leeyihin shirkado si gaar ah loo leeyahay ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkii saaka ka kacay suuqa bakaaraha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Dabka ayaa waxa uu geystay qasaaro badan oo hantiyadeed, waxaana uu saameeyey qeybo badan oo ka mid ah Suuqa.

Dabka ayaa markii hore ka kacay Suuqa Maacuunta isaga oo markii danbe ku siifiday qeybo badan oo suuqa ka mid ah, sida qeybta bacadlaha, dahablaha iyo Qeybta ay Isticmaalaan Dadka Farsamada Gacanta wax ku soo saara, Dabka ayaana gebi ahaanba baabiyey Suuqa Maacuunta oo Baaxad Weyn ku fadhiya.

Haweeney kamida ah Ganacstadda ayaa sheegtay in xalay xilli danbe suuqa timid ayna la-kulantay Suuqa oo gubanayo balse aysan jirin cid markaas wax qaban kartay.

“Waxaan imid suuqa xilli danbe oo xalay ah runtii waxaan arkay wax aad looga xumaado hanta umadda Soomaaliyeed oo gubaneysa aniga xitaa waxaa iga soo gaaray saameyn badan” ayay tiri haweeneydan.

Muuse Macalin waxaa uu isna kamid yahay Ganacstada oo dabku qasaaraha u geystay, waxaana uu dhextaagan yahay meelo ganacsi oo gubtay balse la-damiyey waxaana uu lahaa Goob Ganacsi aan laga aqoon Xarumaha Ganacsi ee Gubtay.

“Meelahaan kama qaan goobteydii ganacsi waa gubatay, waxaana sidoo kale gubtay hanta badan oo meeshaan taalay” ayuu yiri Muuse.

Dabka ayaa socday muddo ku dhow  5 saacadood, waxaana markii dambe lagu guuleystay in la-damiyo Daminta Dabkaas, waxaa qeyb weyn ka qaatay dabdamista Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo ay shirkaddo Ganacsi  gaar u leeyihiin.

Intii uu danbku socday  waxaa suuqa tegay Intooda badan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka qeyb qaatay inay Dadka Dhibaatadu soo gaartay Gacansiiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaana kamid ahaa Mas’uuliyiinta tegay goobta uu dabku ka kacay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in qasaaraha intaan la-eg dabku u geystay iyada oo ay xirmeen Jidadkii waaweynaa Suuqa, taasna ay dhibaato ku noqotay Gawaarida Dabdamiska inay meesha gubatay sahan ku soo gaaraan.

“Waxaan gacan kasii doonaa sidii ay ku soo kabsan lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanti beelay, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii Suuqa Bakaaraha loogu sameyn lahaa Waddooyin waaweyn oo hadii dhibaato dhacdo gurmad loogu fidin karo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Cali Axmed Shiiqaalow

 

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post

Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda “SAWIRRO”

Next Post
Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda “SAWIRRO”

Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In