Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dacwad la xiriirta soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Berrito ka bilaabaneysa Hague:- Qormo Kooban

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah Waax ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa berri oo Isniin ah billaabeysa dhegeysiga dacwad dhex-taalla Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa dacwadda geysay Maxkamadda oo ay xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands bishii August ee sannadkii 2014.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Kenya waxaa ay ka soo horjeeddaa dacwadda ayada oo leh doodda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya waa mid ka baxsan xeer-xeyndaabka Maxkamadda. Sidaa darteed ma ahan in ay Maxkamaddu gasho dacwaddan.

Laakiin Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in Maxkamaddu ay go’aamiso soohdin-badeedda labada dal meesha ay noqoneyso.

Maxkamaddu waxay go’aansatay in labada dhinac ay isugu yeerto. In Kenya laga dhegeysto waxa ay ku saleyneyso diidmadeeda ay Maxkamadda uga dalbeyso in aanay dacwadda furin. Jawaab celin ayaa laga dhegeysan doonaa Dowladda Soomaaliya. Waxaa keliya oo dacwadda hadda la dhegeysanayaa ay ku saabsan tahay in ay tahay Maxkamaddu in ay gasho dacwadda oo ah doodda Soomaaliya iyo in ay go’aamiso in aanay dacwaddan geli doonin oo ah sida ay Kenya dooneyso.

Dooddu waxay u dhici doontaa sidan:

Wareegga Koowaad

Kenya waxaa la dhegeysan doonaa Berrito oo ah Isniin 19-ka September, laga billaabo saacadda Hague marka ay tahay 10:00 ilaa 13:00.

Soomaaliya waxay jawaab celineysaa Talaado 20 September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

Inkasta oo dooddani ay tahay mid Dadweynaha u furan, haddana Maxkamadda kuraasteedu waa ay kooban yihiin. Waxaa muhiimadda la siin doonaa Ergooyinka labada dal ee ay Dacwaddu u dhexeyso iyo Diplomaasiyiinta.

Soomaaliya waxaa uga qeyb gelaya Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir oo horkacaya khubaro heer caalami ah oo qaanuun iyo farsamayaqaanno ku takhasusay soohdimeynta badaha oo isugu jira Soomaali iyo ajnebi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Diplomaasiyiin kale, saraakiil hore iyo madax iyo wakiillo ka socda laamo Dowladda ah iyo bulshada rayidka ee dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba.

Soomaaliya iyo Kenya badda ay ku muransan yihiin waxaa la aamminsan yahay in uu ku jiro shidaal ay tahay in biyaha hoostooda laga soo saaro. Soomaaliya markii ay dacwaddan gudbisay 28 August 2014 wixii ka dambeeyay, waxaa aag badeedkaas isaga baxay sharikado shidaal baarayay oo Kenya heshiis kula jiray, marka laga reebo sharikadda ENI ee dalka Talyaaniga oo ilaa hadda ku jirta biyaha lagu muransan yahay.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay u dooddo xuquuqdeeda iyada oo aab cidna ku xad gudbin.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa Waax ka mid ah lixda Waaxood ee waaweyn ee ay Qarammada Midoobay ka kooban tahay. Maxkamadda Xarunteedu waa Hague, Netherlands, halka shanta Waaxood ee kale ee Qaramada Midoobay ay xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wakiillada Soomaaliyeed ee dacwadda goobjoogga ka ahi waxaa ay qorsheynayaan in ay Dadweynaha Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ay uga warramaan sida ay dooddu u dhacday iyo dareenkooda.

W/D/ Yuusuf Garaad Cumar

Previous Post

Allaha u naxariistee Jeneraal Goobaanle oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho

Next Post

Gudoomiyaha degmada Kaxda oo dalbaday in gargaar lala soo gaaro barakacayaal ku sugan degmadiisa+Sawirro

Next Post
Gudoomiyaha degmada Kaxda oo dalbaday in gargaar lala soo gaaro barakacayaal ku sugan degmadiisa+Sawirro

Gudoomiyaha degmada Kaxda oo dalbaday in gargaar lala soo gaaro barakacayaal ku sugan degmadiisa+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In