Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dacwad la xiriirta soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Berrito ka bilaabaneysa Hague:- Qormo Kooban

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 18, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah Waax ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa berri oo Isniin ah billaabeysa dhegeysiga dacwad dhex-taalla Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa dacwadda geysay Maxkamadda oo ay xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands bishii August ee sannadkii 2014.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Kenya waxaa ay ka soo horjeeddaa dacwadda ayada oo leh doodda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya waa mid ka baxsan xeer-xeyndaabka Maxkamadda. Sidaa darteed ma ahan in ay Maxkamaddu gasho dacwaddan.

Laakiin Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in Maxkamaddu ay goโ€™aamiso soohdin-badeedda labada dal meesha ay noqoneyso.

Maxkamaddu waxay goโ€™aansatay in labada dhinac ay isugu yeerto. In Kenya laga dhegeysto waxa ay ku saleyneyso diidmadeeda ay Maxkamadda uga dalbeyso in aanay dacwadda furin. Jawaab celin ayaa laga dhegeysan doonaa Dowladda Soomaaliya. Waxaa keliya oo dacwadda hadda la dhegeysanayaa ay ku saabsan tahay in ay tahay Maxkamaddu in ay gasho dacwadda oo ah doodda Soomaaliya iyo in ay goโ€™aamiso in aanay dacwaddan geli doonin oo ah sida ay Kenya dooneyso.

Dooddu waxay u dhici doontaa sidan:

Wareegga Koowaad

Kenya waxaa la dhegeysan doonaa Berrito oo ah Isniin 19-ka September, laga billaabo saacadda Hague marka ay tahay 10:00 ilaa 13:00.

Soomaaliya waxay jawaab celineysaa Talaado 20 September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliyaย  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

Inkasta oo dooddani ay tahay mid Dadweynaha u furan, haddana Maxkamadda kuraasteedu waa ay kooban yihiin. Waxaa muhiimadda la siin doonaa Ergooyinka labada dal ee ay Dacwaddu u dhexeyso iyo Diplomaasiyiinta.

Soomaaliya waxaa uga qeyb gelaya Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir oo horkacaya khubaro heer caalami ah oo qaanuun iyo farsamayaqaanno ku takhasusay soohdimeynta badaha oo isugu jira Soomaali iyo ajnebi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Diplomaasiyiin kale, saraakiil hore iyo madax iyo wakiillo ka socda laamo Dowladda ah iyo bulshada rayidka ee dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba.

Soomaaliya iyo Kenya badda ay ku muransan yihiin waxaa la aamminsan yahay in uu ku jiro shidaal ay tahay in biyaha hoostooda laga soo saaro. Soomaaliya markii ay dacwaddan gudbisay 28 August 2014 wixii ka dambeeyay, waxaa aag badeedkaas isaga baxay sharikado shidaal baarayay oo Kenya heshiis kula jiray, marka laga reebo sharikadda ENI ee dalka Talyaaniga oo ilaa hadda ku jirta biyaha lagu muransan yahay.

Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in ay u dooddo xuquuqdeeda iyada oo aab cidna ku xad gudbin.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa Waax ka mid ah lixda Waaxood ee waaweyn ee ay Qarammada Midoobay ka kooban tahay. Maxkamadda Xarunteedu waa Hague, Netherlands, halka shanta Waaxood ee kale ee Qaramada Midoobay ay xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wakiillada Soomaaliyeed ee dacwadda goobjoogga ka ahi waxaa ay qorsheynayaan in ay Dadweynaha Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ay uga warramaan sida ay dooddu u dhacday iyo dareenkooda.

W/D/ Yuusuf Garaad Cumar

Previous Post

Allaha u naxariistee Jeneraal Goobaanle oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho

Next Post

Gudoomiyaha degmada Kaxda oo dalbaday in gargaar lala soo gaaro barakacayaal ku sugan degmadiisa+Sawirro

Next Post
Gudoomiyaha degmada Kaxda oo dalbaday in gargaar lala soo gaaro barakacayaal ku sugan degmadiisa+Sawirro

Gudoomiyaha degmada Kaxda oo dalbaday in gargaar lala soo gaaro barakacayaal ku sugan degmadiisa+Sawirro

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In