Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dacwad loo heysto Agaasimayashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, kuwaa oo lagu soo eedeeyay falal Musuq maasuq ah.
Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday Lacag gaareysa 5 Malyan oo dollar.
Sidokale, Maxamed Aadan Koofi Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa loo haystaa lunsashada lacag gaaraysa 4 Malyan oo dollar.