Monday, December 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dad badan oo udhintay Covid-19 Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Dad badan oo udhintay Covid-19 Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo.

Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku.

Related posts

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025

Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag.

Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka wuxuu sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii dareyso xaaladda jirta, isla-markaana kor usii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

Tags: Dad badan oo udhintay Covid-19 Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Previous Post

Saraakiil ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo tababar loogu so xiray Jowhar

Next Post

Tababaraha Juventus oo Ka hadlay tagitaanka Ronaldo

Next Post
Tababaraha Juventus oo Ka hadlay tagitaanka Ronaldo

Tababaraha Juventus oo Ka hadlay tagitaanka Ronaldo

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo looga hadlayo...

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

December 8, 2025
0

Mas'uuliyiin heer Wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa kormeer ku togay xarunta degmada Kaaraan oo ay...

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

December 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In