Ku dhawaad 50 ruux oo dan yer ah kuna nool degmada Xamar wayne ayaa manata loogu sameeyay xarunta degmadda qaliin iyo baaritaanno indho fiiqid lacag la’aan kaasi ay u fuliyeen Hay’adda Horn Afric save vision, oo ka shaqeyso taaguleynta dadka danta yar kuwa la xanuunsanaya indhaha, iyadoo goobta indha fiiqista iyo baarista lacag la’aanta uu goobjoog ka ahaa maamulka Degmada Xamareyne,
Mashruucan la dagaallanka indha fiiqista iyo baarista indhaha ee lacag la’aanta ah ayaa waxaa fuliyay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Dr, Maxmaed Amiin Cumar, iyagoo baaraya dadka ka xanuunsan indhaha.
Dr Axmed Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha , Mu’asasda Horn Afric save vision ayaa sheegay in ay farxad u tahay maanta in degmada Xamar weyne ay ka fuliyaan mashruucan indho fiiqista ah.
“Mashruucan la dagaalanka indhaha, waxaa maanta ka furaynaa degmada Xamarweyna,waxaana dadka aan u smaeyn doona , qaliin iyo baaritaanno indho qiifis ah, waxaana jaclahay in Soomaaliya oo dhan inaa ka fulino, mashuuracan guud ahaan dalkeena ,anigoo dadka aan danta yer ah , aan u smaeyno ku dhawaad 3,000 kun oo ruux, ah” ayuu yiri Dr Axmed.
Guddoomiyaha Degmadda Xamrweyne Cabdiqaadir Maxmaed Cabdiqaadir, ayaa u mahadceliyay dhaqaatirika fulineyso qaliinka indho fiiqista iyo baaritaanka lacag la’aanta ah,
“Waan u mahadcinayaa, dhamaan dhaqaatiirta, dadka ku nool degmada Xamarweyna waxaan uga baaqayaa in ay ka faa’iideystaan mashruuca ,waxaa jira dad aan awoodin inuu dhaqtar tagi karo. marka kuwa aan awoodin ayaan u rajeynaa inay ka faa’iideysan doonaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne.
Qaar ka mid ah dadkii loo sameyay qaliinka indhaha iyo baarista lacag la’aanta ah ayaa ku tilmaamay inay tahay mid lagu farxo.