Waxaa markii ugu horeysay ka bilowday dhimashada dadka ay saameysay abaarta jirta deegaanada ku xeeran degmada Balanbal halkaasi oo laga soo sheegayo in ay u dhimatay gaajo iyo haraad gabar ka mid ah dadka reer guuraaga ah sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta qaranka dad u gurmaday qoyska ay ka baxday gabadhaas.i
Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle, oo ii xaqiijiyay geerida gabadhaasi ayaa sheegay in hada ay bilaabatay dhimashada dadka kadib markii ay horey u dhaaftay duunyadii ay ku noolaayeen, waxaana uu sheegay inay ka cabsi qabaan in cuduro iyo macaluul ka dhalatay abaarta ay kordhiso dhimashada dadka.
Gudoomiyaha Gudiga gurmadka abaaraha degmada Caabudwaaq Maxamed Haaraa, oo aan la kulmay ayaa sheegay in halista musiibada abaarta ay bilaabatay, waxaana uu ka hadlay waxyaabaha u sababta ah waqtigan in loo dhinto.