Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dadaalka Dawladda Soomaaliya ee Ciribtirka Musuq maasuqa (Faallo)

caqiil by caqiil
November 4, 2018
in Wararka
0
Dadaalka Dawladda Soomaaliya ee Ciribtirka Musuq maasuqa (Faallo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Musuqmasuq waa lunsasho hanti dadweeyne,waxaana laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada wuxuuna horseedaa nolol xumo isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee dawladinmada iyo horumarka

Mudadii ka danbaysay 8dii feberuary oo ahayd markii uu dalka ka dhacay isbadalkii maamul ee ย shacbiga Soomaaliyeed sida wayn u soo dhaweeyeen waxaa Madaxwayne Maxโ€™ed C/llaahi farmaajo iyo Raโ€™iisalwasaare Khayre durbadiiba bilaabeen in ay shacbiga soomaaliyeed ku wacyi galiyeen la dagaallanka Musuqa oo ah dilaaga dowladnimada iyo rajada shacabka, waxayna fagaarayaal badan si aan leex leexad lahayn kaga cadeeyeen in ay muhiimadda koowaad siinayaan ciribtirka musuqa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

Raโ€™iisalwasaare Khayre oo ka hadlayay dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto baabiโ€™inta iyo xididdo siibiddaย  musuqa meel kasta uu ka jiro ayaa yiri

โ€œSoomaaliya waxay la dagaalamaysaa Musuqa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha iyo Raโ€™iisalwasaaraha waxayna diyaar u yihiin in wadankaan lagu maamulo cadaalad ,Musuqmaasuqana lagu jihaado,Waxaan idinka codsanayaa in aad nagala qayb qaadataan jihaadkaas,Musuqmaasuqu waa cudurka ugu xun ee ku dhaca nidaam dowladeed,Meel uu Musuq ka jiro Caddaalad kama jirto meel Musuq ka jiro horumar ka ma jiri karo,Meel uu Musuq maasuq ka jiro nabadgalyo ma imaan karto,Meel uu musuq maasuq ka jiro isku kalsooni ma jirto, Meel uu Musuq maasuq ka jiranaย  Alle ka cabsiga waa ku yar yahayโ€.

Dhaqan doorsoonkii ka dhacay dalka waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato lahayn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?.ย 1- in la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyoย  ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-in la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban, tallaabadaas oo Raโ€™iisalwasaare Khayr horay u qaaday.
3-in sidoo kale dib loo hubiyo loona tira kobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

.4-in Xukuumaddu hubisoย  qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay,xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.
5-in xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta haydaha dawladda lagu xulo xirfadย  lagana hortago qof jaclaysi iyo qaraabakiil.

5-in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qaybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad wayn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya.

Maxaa Tallaabo ah oo laga qaaday la dagaallanka Musmaasuqa?ย Waxaa la xirayย  Sarakiil lagu eedeeyay in ay hantidii qaranka iyo in ay gargaar Musuqmaasuqeen, Waxaa xilka laga qaaday Masuuliyiin la sheegay in ay xadeen hantida dadwaynaha,qaar kalana shaqada laga fadhiisiyay, Madaxdii Kastamka Dekedda ayaa xabsiga loo taxaabay, oo loo haysto lunsasho hanti dadwayne.

Dhanka kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 3/11/2018 soo gabagabaysay dacwad loo haystay howlwadeeno ka tirsanaa Waaxda canshuuraha ee Dekedda Muqdisho iyo Masโ€™uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Gargaarka, kuwaasoo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Masโ€™uuliyiintaan lagu soo eedeeyay inay lunsadeen hanti dowladeed ayaa waxaa ka mid ahaa Maamulihii hore eeย  Furdada Xamar Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayey.

Axmed Cabdulaahi Samow iyo howlwadeenada kale ee la shaqeynayay ayaa lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah, halka labo kale ay Maxkamadda sii deysay, taasoo mid ka mid ah ay aheyd haweeney kuxigeen ka aheyd Waaxda Canshuuraha Dekeda Muqdisho.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa min saddex sano iyo saddex bilood oo xabsi ah ku xukuntay agaasime waaxeedkii Wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka Daahir Maamed Nuur iyo nin kale oo lagu magacaabo Mohamed Cumar.

Waa markii u horeysay ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukuno ku rido masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Hawlgalka la dagaallanka Musuqmaasuqa wuxuu gaaray Safaaradaha, waxaanaย  Raโ€™iisalwasaare Khayre ku amray dhamaan shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaanta waqooyi in ay dalka soo galaan si loola xisaabtamo.

Waxaa la badalay Garsoorayal maxkamadeed,kuwa kalana shaqada ayaa laga joojiyay. Sidoo kalana waxaa xabsiga la dhigay Saraakiil ciidan.

Gabagabadii Qormada, Musuqa maasuqu waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah,waxaana ย jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaaย  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ahย  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka dowladnimada Soomaaliya.

W/D:-Gobdoon

Previous Post

Dawladda Jarmalka oo Soomaaliya ka taageeraysa waxbarashada farsamada gacanta

Next Post

Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda+Sawirro

Next Post
Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda+Sawirro

Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Raโ€™iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Raโ€™iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey suโ€™aalo la xiriirra waxyaabaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In