Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka socday howllo lagu dar-dar gelinayo soo xulista Xildhibaannada baarlamaanka m amulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya iyadoo laga soo xulayo xildhibaannada deegaannada Gobolladaasi si dadka dega halkaas ay ugu qancaan Xildhibaannada iyaga Matalaya.
Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Siyaasiinta iyo qaybaha Bulshada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay sida ugu wanaagsan ee loo soo xulayo Xildhibaananda baarlamaanka maamulkaas.
Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa dhankooda wada qorshayaal lagu dar dar galinayo si dii loo xuli lahaa baarlamaan matala dadka daga deegannada maamulka koonfur galbeed.
Malaaq Yuusuf Cabdi oo ka mid ah Malaaqyada gobolka Baay ayaa rajo wayn ka muujiyay habka loo xulayo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.
Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu ka koobnaan doono 95 xubnood iyada oo dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.