Dadka deegaanka ee magaalada Buuhoodle oo bilaabay Olole deeq aruurin ah taas oo loogu talogalay dadka Soomaaliyeed ee ay saameyeen fatahaada.
Ururka tala doon oo ka dhisan Magalada Buuhoodle ayaa Bilaabay Olole Deeq ururin loogu sameynayo dadkii uu ku fatahay wabiga Shabelle gaar ahaan dadka reer Baladweyne.
Dhanlinyaro badan oo si iskood ah isku abuulay ayaa lagu arkayaa bartamaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kuwaasi oo dadka ku baraarujinaya in ay garab istagaan dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.
Goobaha Ganacsi, Xarumaha waaweyn ee Shirkadaha iyo Guryaha qoysaska ay dagan yahiin ayay dhalinyaradu ka bileen aruurinta deeq ay ugu talagaleen inay kaga qeyb qaataan sidii loo samatabixin lahaa dadka magaalada Baladweyne ku dhibaateysan ee ay sameyeen fatahadaha waboga Shabeelle.