Maamulka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo gaaraya kun iyo laba boqol.
Deeqdaan raashinka ah oo loo qeybiyay dadka ku dhaqan deegaanka Ceel-Huur oo dhaca Koonfurta Xaradheere,waxaa bixiyay Sanduuqa Alkheyriyah ee Qadar.
Xildhibaan Cabdi Cali Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenja Gobolka Mudug Axmed Shire Qoodaar oo ka hadlay munaasabaddii guddoonsiinta deeqdaasi ayaa ugu baaqay dadka deegaanka Ceel-huur in laga qeybgalo dagaalka looga horjeedo khawaarijta.