Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dadka deegaanka Xerada Dhadhaab oo ku hor banaan baxay xafiiska UNHCR “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 2, 2017
in Wararka
0
Dadka deegaanka Xerada Dhadhaab oo ku hor banaan baxay xafiiska UNHCR  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Maalinta afraad hakat oo ku jiraa howlaha hay’adaha samafalka ee ka howlgala xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab tani ayaa ka dambeysay markii dadka degaanka ay dhigeen banan baxyo ay uga soo horjeedan hay’adaha samafalka ee ka howlgala Dhadhaab kadib markii hay’adda Qaramada Midoobey uqaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR sheegtay in ay dhimeyso qaar ka mid ah shaqalaheeda oo udhashay degaanka dhadhaab shaqa dhimida ayay hayada UNHCR ku micneysay dhaqale la,aan soo wajahday hayada kadib markii ay hoos udhaceen qaxootiga ku jiray xeryaha qaxootiga ee dhadhaab,qaxootiga oo horaan tiradoodu ka badnayd 400,000 kun ayaa hada waxay gaareyaan ilaa 230,000 sida ay Hayada UNHCR sheegtay taasina ayey tira mida keentay in dhaqaliha caalamka siin jirey UNHCR hoos udhacay maadama qaxootiga yaraday

Qxootiga ugu badnaa ee ku noola xeryaha dhadhaab ayaa waxuu ahaa Soomaalida oo %95 lagu qiyasayay balse in ku dhow 70,000 00 qaxooti soomaaliyeed ah ayaa iyagu si iskood ah ugu laabtay soomaaliya ilaa sanadii 2014-kii

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Shaqo joojinta hayadaha samafalka ee dhadhaab ka howlgalayay ayaa saameynta ugu badan waxay ku yeelatyay qaxootiga ku jira xeryaha dhadhaab oo manta maalinta afraad eysan hayadaha tagin xeryaha iyagoo ku xaniban xerada ay ka daganyihiin degmada dhadhaab maalinta shalay ayey ahayd in la siiyo qaxootiga rashinka bilaha ahaa balse taasi ma dhicin oo hayadiiha rashinka bixinayay goobiha rashin bixinta meysan tagin mudaharadkan awgii maadama eysan xerada ka soo bixi garin

Yusuf Digale Cabdi oo ka mid ah udayaasha degaanka dhadhaab ayaa sheegay sababta ay mudaharadka udhigayaan in ay tahay kadib markii UNHCR ay dhintay shaqale ushaqeynayay kuwaasii oo noqday kuwa degaanka dhadhaab ka soo jeeda cabashadoodana ay tahay in shaqalaha kaliya ee UNHCR ay dhintay ay yihiin kuwa degaanka oo eysan ku jirin shaqalaha kale ka soo jeeda gobolada kale dalkani Kenya ama kuwa caalamiga ah hadii ay yihiin dadka degaanka ahna ayuu yira yira yusuf digale anaga qaxootiga heynay in ka badan 25 sano oo ay kheyradkanagii nala wadagayaan waana dad aan wada dhalanay

 

Idiris garaad waa wakiilka xildhibaanka laga soo doortay degaanka dhadhaab waxuu yira hadan nahay dadka degaanka dhadhaab anaga wax xushmad ah numa heyso hayada UNHCR haday tahay shaqalaha haday tahay qandarasyada oo ay cuntada qaxootiga la siiyo mida iyagoo isticmaalanba ay ka soo qatan qeybaha kale Kenya halkii ay ka gadan lahayaan dadka degaanka in badan ayaan usamirnay hayadaha samafalka ee dhadhaab ka howlgala balse hada markii ay geenan ugu dambeyntii dhalinyaradii degaanka in shaqadii ka joojiyaan ayaan ku aansanay in aan ku mudaharadno joojinana howliha ay ka wadaan dhadhaab waana mid aan hayadaha culeys ku sareyno ee ma aha mid aan qaxootiga ula jeedno waa dad walalo nahay ma jeclin dhibkooda waana inagoo kale ayuu ugu dambeyntii Idiris Yira

Ruun Cabdi Faarax Waa gudoomiyaha Haweenka degmada dhadhaab xili ay ka mid ahayd boqolalka qof ee ku hor banan baxayay xafiska hayadaha samafalka ay ku leeyihiin degmada dhadhaab ayey tira, UNHCR anaga hadan nahay dadka degaanka waxba kuma qabno xitaa haday shaqale qadaneyso waxay ka soo qadata qeybaha kale Kenya degaankanaga waxaa jooga dhalinyaro waxbaratay ilaa heer jamacadeed waa wada shaqo la’aan oo darbiyaday iska fadhiyaan anaguu cilkaas qabnay oo maalin kasta nin ama naag shaqale ah laga keenayo meel degaanka dhadhaab ka baxsan ayey hadana noogu daran midan oo ah in dhalinyaradani shaqadii ka joojiyeen waana wada hadalnay UNHCR wayna ka soo bixa wayeen balantii anagana waxaan qadanay kuaangan banan baxa ah waana wadaynaa inta arinteena wax laga qabanayo

Xildhibaanka Degaanka Dhadhaab Maxamed Dahiye Ducale ayaa dhankiisa yira  “UNHCR waan la hadalnay waana wada hadalnay balse wax natija ah oo aan ku qanacno nama eysan siinin marka maadama natiijo fiican aan ka weynay madaxda UNHCR ee Dhadhaab iyo Nairobi isfahmi weynay oo ay noo sheegi wayeen wax aan ku qanacno waxaan hada la hadlo oo kaliya waa madadxa UNHCR ee Geneva joogta oo kaliya kuwaasi ayaan hada sugeynaa”

Dhanka Kale Qunsulka Guud Dowlada Federalka Soomaaliya ee dalkani Kenya ahna ku simaha safiirka Cali Sheekh Maxamed (Cali Bagadi) ayaa waxuu il gooni ah ku hayaa xaaladan isagoo xili kasta og xaalada qaxootiga soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dhadhaab markasta xirir joogta ah la sameeya gudiyada xeryaha si xaaladooda uga wareysto iyadoo dadka ku jira xeryaha dhadhaab ay ku xasuustan qunsulka garage istagi oo garab istagay qaxootiga soomaaliyeed eek u jira xeryaha dhadhaab xiliyo xaalad adag oo dhanka nolosha ah ku jiraan Gargaar kala duwana gaarsiiyay ila hadana garab tagan

Ugu Dambeyntii haduu see socdo mudaharadkan shaqo joojinta ah saameynta ugu badan waxay ku yeelanayaan qaxootiga ku jira xeryaha dhadhaab.

Axmednuur Maxamed Cabdullahi (Yogol)

Radio Muqdisho

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab-Waqoyi Beri Kenya

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo shacabka uga warbixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018-ka

Next Post

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Jubbaland oo tababar u soo xirtay Kalluumeysato

Next Post
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Jubbaland oo tababar u soo xirtay Kalluumeysato

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In