Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Jubbaland oo tababar u soo xirtay Kalluumeysato

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Maanta tababar Muddo saddex maalin u socday 50 Kallumeysato oo laga soo xulay Jaziiradaha Raaskamboni. Buurgabo, Kudhaa. Madhabo. Juulo. Jawaay .Istanbuul. Koyaame. ugu soo xirtay magalada Kismayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Tababarkan ayaa la xiriiray sida looga hortagi lahaa xaalufinta Kheyraadka Badda iyo sidii loo ilaalin lahaa ugxaanta Qubada, Argosatada iyo Kalluunka yar yar ee aan loo baahneen in laga soo saaro badda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Qaar ka mid ah Kalluumeysatada Muddada saddexda Maalmood tababarka qaatay ayaa sheegay inay wax weyn ka faa’iideysteen tababarka, iyagoo shegay in markii hore ay soo saari jireen ugxaanta Qubada, Argosatada iyo Kalluunka yar yar laakin hadda ay aqoon ay u yeesheen in ay mamnuuc tahay in Bannanka loo soo Saaro.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Dowlad Goboledka Jubaland  Cabdi Nuur Cali Adan oo xiritanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in tababaro badan la siiyo Kalluumeysatada si ay oga hortagaan xaalufinta Kheyraadka badda.

Wasiirka Wasaradda Kallumeysiga iyo kheyraadka Badda ee dowlad Goboleedka Ibraahim Xasan Cabdi Baajuun oo gaba gabadii tababarka soo xiray ayaa kula dardaarmay 50 ka Kallumeysato ee tabbabarka loo soo xiray in waxa ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshada kale si loo ilaaliyo Kheyraadka Baddeena ku jirta.

Previous Post

Dadka deegaanka Xerada Dhadhaab oo ku hor banaan baxay xafiiska UNHCR “SAWIRRO”

Next Post

Ganacsade Soomaali ah oo Goordhaweyd lagu dilay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Ganacsade Soomaali ah oo Goordhaweyd lagu dilay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Ganacsade Soomaali ah oo Goordhaweyd lagu dilay Koonfur Afrika "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In