Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Dadka isticmaala Addeegga Whatsapp oo gaaray 800 oo Million

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Dadka isticmaala Addeegga Whatsapp  oo gaaray 800 oo Million
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Adeegga Whatsapp ee la isugu diro farriimaha gaagaaban ayaa dadka isticmaalayaa gaareen 800 oo Million oo qof, kuwaas oo si joogto ah u adeegsada Whatsapp.

Arrintan waxaa ku dhawaaqay aasaasaha Whatsapp oo ah nin ka soo haajiray Ukrain oo lagu magacaabo Jan Koom.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Adeegga Whatsapp, Shantii sano ee la soo dhaafay waxaa adeegsaday in ka badan 450 Million oo qof,waxaana maalin kasta ku soo biira in ka badan hal milyan oo qof.

Whatsapp, waa adeeg farriimo gaagaaban oo ku shaqeeya Telefoonnada Smart phones-ka loo yaqaanno  Sida iPhone, Android, Windows phone i.w.m.

Shirkadda Facebook, ayaa bishii February ee la soo dhaafay ku iibsatay Whatsapp lacag dhan  19 Billion oo Doollar.

Whatsapp waxa uu hadda soo kordhiyay adeeg ah in dadku ay iska wici karaan, halka uu markii hore ku koobnaa farriimo gaagaaban iyo codad la isu duubo.

Haddii aad haysatid telefoonnada ku shaqeeya nidaamka iOS  waxaad Version cusub oo Whatsapp ah ka soo degsan kartaa  applicationka u Apple Store, halkaas oo aad ka heli karto Update-ka cusub oo tirsigiisu yahay 2.12.1.

Dadka adeegsada telefoonnada ku shaqeeya nidaamka Android, mar hore ayayba heleen adeegga codka ee Whatsapp.

Marka aad degsato Versionka  cusub ee Whatsapp,waxaa kuu soo muuqan doona calaamad muujineysa in aad wicitaan telefoon sameyn karto. Laakiin haddii aysan kuu soo muuqan calaamaddaasi, waxaad u baahan tahay in aad sugto , waayo shirkadda waxay sheegtay in adeegga wicitaanka uu si tartiib tartiib ah u dhammeystirmi doono toddobaadyo gudohood.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho 22- 04- 2015

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Istanbuul lagu soo dhaweeyay{SAWIRRO}

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Istanbuul lagu soo dhaweeyay{SAWIRRO}

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Istanbuul lagu soo dhaweeyay{SAWIRRO}

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In