Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bannaanbax lagu dalbanayo in la sii daayo Xaashi Cumar oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Bannaanbax lagu dalbanayo in la sii daayo Xaashi Cumar oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadweyne ayaa isugu soo baxay taallada Daljirka-Daahdoon kuwaas oo dalbanayay in dowladda Talyaaniga ay sii dayso Xaashi Cumar Xasan oo muddo 18 sano ah ku jira xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga.

Dadka isu soo baxay waxaa ku jiray odayaal dhaqan, aqoonyahanno iyo dadweyne kale oo isaga yimid qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Muuse Xabbad Tafad oo ka mid ah ehelka Xaashi xadgudub ku tilmaamay in qof aan dambi lahayn muddo dheer xabsi lagu hayo. Wuxuu tilmaamay in wax dambi ah uusan galin Xaashi uuna xaq u leeyahay in la sii daayo.

“Dambi uu leeyahay Xaashi ma jiro, xaqdaro ayuu ku xiran yahay dad cadaow ah ayaa ka dambeeyay xariga dhibane Xaashi, inkastoo mid ka mid ah dadkii ku marqaati furay in xaashi uu dilay Wariye u dhalataya dalka Talyaaniga uu qirtay in falkaasi uusan waxba ka ogeyn, laakiin uu rabay oo kaliya in Talyaaniga la geeyo marka cid marqaati aan lagu heyn ma aha sharci in xabsi uu isaga sii jiro” ayuu yiri Muuse.

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay gacan ka gaysato sidii uu caddaalad u heli lahaa muwaadinkaan oo muddo dheer xabsi ku jira. Wuxuu intaa ku daray in dadkii marqaatiga ahaa qaarkood ay qirteen inay been sheegeen.

“Laba nin ayaa ku marqaati kacday xaashi mid ka mid ah xili hore ayuu dhintay midka kalena dhawaan ayuu qirtay in marqaati beenaale uu u noqday arinkaasi dooda badan ayaan ka sameeyay anigoo talyaaniga jooga awax dambi ah malahan xaashi oo si xaqdara ah ayuu ku xiranyahay waana rajeynayaa in xoriyadiisa uu helo “ayuu yiri Prof Yaxye Sheekh Caamir

Ugu dambeyntii ayaa waxaa ka hadlay isu imaatinkaasi Xildhibaan Xasan Macalin oo isagu ugu baaqay dowladda Talyaaniga in ay deg deg xorriyadiisa u siiso  Mawaadinkaas Soomaaliyeed Xaashi Cumar Xasan.

“Soomaaliya waa ka daashay dhibaato waxay u baahan tahay cadaalada sidaasi daraadeed waxaan muujinaynaa in aan ka xunahay dhibaatada Xaashi Cumar Xasan, waxaana maalma ka hor u tagnay safiirka Dowladda Talyaaniga oo aan kala hadalnay arrinka Xaashi” Ayuu yiri XIldhibaanku.

“Anigoo ku hadlaya magaca xildhibaannada Soomaaliyeed waxaan Wasaarada caddaalada Talyaaniga aan ka codsaneynaa in xorriyaddiisa la siiyo maadaama ay qirteen marqaati beenaalayaashii Xaashi ku eedeeyay in uu dilay saxafiyiin u dhlatay talyaaniga”Ayuu sii raaiyay xildhibaanku.

Dowladda Talyaaniga ayaa xirtay Xaashi Cumar Xasan sanadkii 1998dii, ayadoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dil loo geystay laba saxafi oo talyaani ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho 20 March 1994tii.  Maxakamad ku taalla Talyaaniga ayaa ku xukuntay 26 sano oo xabsi ah, inkastoo markii dambe ay maxkamaddu ka cafisay 6 san0.

11160489_10200386234374786_922998687_n 11160489_10200386234374786_922998687_n 11185785_10200386239214907_1596349318_n 11198746_10200386231494714_1533135818_n 11210267_10200386235774821_536565440_n

 

 

 

 

Previous Post

GAROWE: Shirka Wada-tashiga oo maanta la soo gabagabeynayo

Next Post

Shirkii Garowe oo la soo gabagabeeyay-DHAGAYSO WAR-MURTIYEEDKA

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarumaha maamulka Puntland- SAWIRRO

Shirkii Garowe oo la soo gabagabeeyay-DHAGAYSO WAR-MURTIYEEDKA

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In