Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwaa Daraawiishta Galmudug ayaa dagaal ay ku qaadeen degaanka Doonyaale oo ka tirsan gobolka Mudug waxay ku laayeen Khawaarijta Al-Shabaab igaoo kala wareegay deegaankaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dhuumaaleysanayeen.
Dagaanka oo ahaa mid ayaa ka dhacay degaanka Doonyaale oo u dhexeeya magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana caawa deegaanadii lagu dagaalamay ku sugan ciidanka qaranka.
Taliyaha ciidanka dhulka ee XDS General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ay dagaalka khasaare lixaad leh ku gaarsiiyeen Khawaarijta.
Ciidanka ayaa godadkii ay ku dhuumanayeen ugu galay Khawaarijta, waxaana halkaas laga soo werinayaa khasaare culus oo dagaalka lagu gaarsiyey argagixisada.
Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dagaalkii maanta ka dhacay Mudug oo soo gaaray gabal dhicii ayaa lagu wadaa in la soo bandhigo meydadka Khawaarijtii lagu laayey oo aad u badan, sida uu noo xaqiijiyey Jeneraal Biixi.