Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagmada Hobyo oo lagu qabtay tababar ku saabsan xuquuqul Insaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dagmada Hobyo oo lagu qabtay tababar ku saabsan xuquuqul Insaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Adeegyada Beni’aadamnimada iyo Horumarinta ee Ileys (IlEYS HUMANITARIAN AND DEVELOPMENT SERVICES oo kaa shaneysa heyaddaha Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo UNICEF , ayaa waxaa ka faa’iidaystay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Hobyo, iyadoo lagu xoojiyay wacyiga iyo fahamka xuquuqda aadanaha.

Furitaanka tababarka waxaa hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Degmada Hobyo Mudane Cusman Axmed Cabdulle iyo Xildhibaan Maxamed Carabey oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug. Labbada Mas’uul waxay si cad u muujisay muhiimadda xuquuqda aadanaha iyo doorka ay bulshada ku leeyihiin ilaalinta iyo xoojinta xuquuqul insaanka, Waxay sidoo kale ka hadleen sida tababarku u noqon karo fursad lagu hagaajinayo wacyiga bulshada iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka warqabta xuquuqda aadanaha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha kala duwan ee xuquuqul insaanka oo ay ugu horeeyaan

_ Fahamka Xuquuqda Aadanaha

– Muhiimadda xuquuqda aadanaha ee bulshada.

– Doorka hay’adaha bulshada iyo dawladda.

– Xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka jira Soomaaliya.

– Saameynta xadgudubyada ku leeyihiin bulshada.

– Talooyin ku saabsan sida loo hirgelin karo xuquuqda aadanaha.

– Kaalinta dhallinyarada iyo haweenka.

Tababarkan wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu xoojiyay wacyiga xuquuqda aadanaha ee bulshada Hobyo. Waxaa la filayaa in ka qaybgalayaashu ay ka faa’iidaystaan aqoontan cusub si ay u horumariyaan xaaladaha bulshada iyo inay ka shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda aadanaha. Hay’adda Ileys waxay sii wadi doontaa dadaalladeeda ku aaddan horumarinta iyo wacyigelinta bulshada si loo gaaro bulsho ka warqabta xuquuqdeeda.

Quburada Bixinaysay tababarkaan ayaa waxay kula taliyeen dadka ka qaybgalay tababarka inay u gudbiyaan aqoontooda asxaabtooda iyo bulshada si loo xoojiyo fahamka xuquuqda aadanaha iyo in la dhiso ururro bulsho oo ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda aadanaha .

Tababarkan wuxuu caddeeyay in bulshada Hobyo ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta nabadda.







 

Previous Post

Go’aanka Golaha Ammaanka ee lagu afjarayo UNSOM waa tallaabbo muhiim ah oo horay loo qaaday

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In