Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagmada Hobyo oo lagu qabtay tababar ku saabsan xuquuqul Insaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 1, 2024
in Wararka
0
Dagmada Hobyo oo lagu qabtay tababar ku saabsan xuquuqul Insaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Adeegyada Beni’aadamnimada iyo Horumarinta ee Ileys (IlEYS HUMANITARIAN AND DEVELOPMENT SERVICES oo kaa shaneysa heyaddaha Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo UNICEF , ayaa waxaa ka faa’iidaystay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Hobyo, iyadoo lagu xoojiyay wacyiga iyo fahamka xuquuqda aadanaha.

Furitaanka tababarka waxaa hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Degmada Hobyo Mudane Cusman Axmed Cabdulle iyo Xildhibaan Maxamed Carabey oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug. Labbada Mas’uul waxay si cad u muujisay muhiimadda xuquuqda aadanaha iyo doorka ay bulshada ku leeyihiin ilaalinta iyo xoojinta xuquuqul insaanka, Waxay sidoo kale ka hadleen sida tababarku u noqon karo fursad lagu hagaajinayo wacyiga bulshada iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka warqabta xuquuqda aadanaha.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha kala duwan ee xuquuqul insaanka oo ay ugu horeeyaan

_ Fahamka Xuquuqda Aadanaha

– Muhiimadda xuquuqda aadanaha ee bulshada.

– Doorka hay’adaha bulshada iyo dawladda.

– Xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka jira Soomaaliya.

– Saameynta xadgudubyada ku leeyihiin bulshada.

– Talooyin ku saabsan sida loo hirgelin karo xuquuqda aadanaha.

– Kaalinta dhallinyarada iyo haweenka.

Tababarkan wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu xoojiyay wacyiga xuquuqda aadanaha ee bulshada Hobyo. Waxaa la filayaa in ka qaybgalayaashu ay ka faa’iidaystaan aqoontan cusub si ay u horumariyaan xaaladaha bulshada iyo inay ka shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda aadanaha. Hay’adda Ileys waxay sii wadi doontaa dadaalladeeda ku aaddan horumarinta iyo wacyigelinta bulshada si loo gaaro bulsho ka warqabta xuquuqdeeda.

Quburada Bixinaysay tababarkaan ayaa waxay kula taliyeen dadka ka qaybgalay tababarka inay u gudbiyaan aqoontooda asxaabtooda iyo bulshada si loo xoojiyo fahamka xuquuqda aadanaha iyo in la dhiso ururro bulsho oo ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda aadanaha .

Tababarkan wuxuu caddeeyay in bulshada Hobyo ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta nabadda.







 

Previous Post

Go’aanka Golaha Ammaanka ee lagu afjarayo UNSOM waa tallaabbo muhiim ah oo horay loo qaaday

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay George Conway

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In