Guud ahaan dalka Ciraaq ayaa waxaa maanta Shacabka kunool ay u dareerayaan codbixin doorashada baarlamaanaiga ah, markii ugu horeysay tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay in dalku ay ka sarto argagixisada Daacish.
Haider Al-Abadi oo ah Ra’iisal-wasaaraha haatan talada haya ee dalkaasi ayaa siweyn loo hadal hayaa in uu ku guuleysan doono xilka,inkastoo loo badinayo in uu wajihii karo loolan adag.
Waxaa lagu amaanay Ra’iisal-wasaare al- Abadi guusha uu ka gaaray dagaalkii uu kula jiray kooxaha argagixisada iyo amniga oo aad u soo wanaagsanaaday dhammaan waddanka,tan iyo markii laga adkaaday Daacish.
Doorashadan dacaysa ayaa Qof kasta oo ku guuleysta doorashadaan waxaa looga fadhiyaa in uu mideeyo madhabta kala duwan ee ka jirta Ciraaq, kuwaasi oo iyaguna caqabad ku ah nabadda waddanka.
Qaar kamid ah bulshada reer Ciraaq ayaa si weyn u dhaliilsan musuqmaasuq baahsan oo ay sheegeen in uu kajiro hay’adaha Dowladda,dhanka kale waxaa ay Ciraaqiyiintu ay ka cabsi qabaan in markale dalkooda uu ka dhoco dadaal sookeeye,kaasi oo salka ku haya siyaasadahga Mareykanka iyo Iiraan k adhex taagan.
SONNA