Dowladda Iran ayaa laga qaaday, cuno-qabatayn saarnayd in muddo ah taasoo ka dhalatay, is-maandhaaf ku aaddanaa arrimaheeda Nuclier-ka.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa ku dhawaaqay qaadista cuno-qabataynti saarneyd dalka Iran, taasoo qayb ka ah heshiis ay kala saxiixdeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dunida.
Hay’adda caalamiga ah ee qaabilsan quwadda Nucklier-ka ee magaceeda loo soo gaabiyo (IAEA) ayaa dhawaan sheegtay in dowladda Iran ay fulisay, dhamaan tallaabooyinkii muhiimka u ahaa dhaqan-galinta heshiiska.
Yukiya Amano oo ah Agaasimaha guud ee IAEA, ayaa sheegay inay baareyaashoodu xaqiijiyeen in Iran ay qaadday, tallaabo kasta oo ku habboonayd dhaqangalinta heshiiska.
Heshiiska oo la gaaray sannadkii tagey ee 2015-kii ayaa Yukiya Amana waxa uu dhaqangalintiisa ku tilmaamay, arrin taariikhi ah oo muhiim u ah wanaajinta xiriirka ay Iran la leedahay Mareykanka iyo xulifadiisa.