Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha JFS ee Dalka Suudaan oo ka tacsiyeeyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Danjiraha JFS ee Dalka Suudaan oo ka tacsiyeeyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdirisaaq Axmed  Shoole oo xafiiskiisa ku qaabilay ehelada iyo qaraabada muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Suudaan ayaa uga warbixiyey xogta rasmiga ah ee laga hayo fal dambiyeedka iyo dadaallada ku qotoma arrinkan ee Safaaraddu ay waddo.

Danjire Shoole, ayaa u tacsiyeeyay qoyska iyo qaraabada marxuum Cabdisamad Batuun Kaahin, kuwaas oo ka soo kicitamay magaalada Hargaysa  si ay goob joog uga noqdaan hannaanka sharci ee socda, kaalintoodana ay uga qaataan dhammeystirkeeda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa bogaadiyey sida jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan ay u soo dhaweysay ehelada iyo qoyska marxuumka ee soo gaaray magaalada Khartoum, isagoona tilmaamay in Safaaraddu ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteenna ku sugan dalka Suudan.

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ayaa uga mahadceliyey Safiirka soo dhaweynta wanaagsan iyo sida masuuliyadda leh uu ugu istaagay dhibkii dhacay.

Dowladda Suudaan ayaa gacanta ku haysa eedaysanaha dilkan ku lug leh oo isna ah muwaadin Soomaaliyeed, iyadoona ay socdaan baaritaannada la xiriira iyo tallaaboyinka sharci ee lagu wajahayo. 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo maanta kormeerey lix xarumo wasaaradeed

Next Post

Wasaaradda Qoraheynta XFS oo shir Wada-tashi ah la yeelatay Hay’adaha kala duwan ee Dawladda “Sawirro”  

Next Post
Wasaaradda Qoraheynta XFS oo shir Wada-tashi ah la yeelatay Hay’adaha kala duwan ee Dawladda “Sawirro”  

Wasaaradda Qoraheynta XFS oo shir Wada-tashi ah la yeelatay Hay’adaha kala duwan ee Dawladda “Sawirro”  

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In