Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Dhadhaab “Sawirro”+Muuqaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Dhadhaab “Sawirro”+Muuqaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayay danjiraha dawlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyeen qunsulka safaarada Soomaaliya Cali Maxamed Sheekh( Cali Begadi),gudoomiye ku xigeenka hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka iyo Ra’uuf Mazuu oo ha madaxa hay’dda UNHCR ee dalkani Kenya ayaa maanta booqday xeryaha qaxootiga oo ay hooy u ah kumanaan Soomaali ah.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen dhadhaab waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR,waxana loo gudbiyay xarunta Q.M ay ku leedahay dhadhaab,halkaasi oo ay warbixin ku siiyeen mas’uuliyiinta hay’adda UNHCR.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

C/laahi Walid El Bah oo hay’adda UNHCr u qaabilsan xeryaha Dhadhaab ayaa wafdiga uu hogaaminayay safiirka warbixin ka siiyay xaaladaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab,isagoo in 95% qaxootiga ay yihiin Soomaali,waxana uu sheegay in ilaa 8 kun oo qaxooti ah isku diiwaan galiyeen in ay si mutadawacnimo ah ugu laabtaan dalkooda hooyo ilaa hadana la celiyay ilaa 3800 oo qof.

Safiirka ayaa xarunta UNHCR ee dhadhaab kula kulmay gudoomiyaasha xeryaha shanta ah ee ku yaalo dhadhaab,waxana uu ka dhageystay cabashooyinkooda,iyagoo su’aalo dhowr ah weydiiyay.

Danjiraha iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa dadka qaxootiga ah uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen,iyagoo sheegay in cabashooyinka ay soo jeediyeen wax ka qaban doonaan.

Safiirka ayaa sheegay in safaarada ay qorsheynayso in xeryaha Dhadhaab ay furato xafiis si dhaw ula shaqeeyo qaxootiga soomaaliyeed ee mudada ku noolaa xeryahaasi.

Qunsulka safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Begadi) ayaa ka jaawabay su’aal ay mas’uuliyiinta safaarada weydiiyeen qaxootiga oo ahayd sababta aan qaxootiga soomaalida ee ku nool xeryaha Dhadhaab aan loo siin baasaboorka Soomaaliga,isagoo sheegay in safaarada ay ka fikreyso qaabkii ay qaxootiga soomaaliyeed ku heli lahaayeen baasaboorka.

Danjiraha ayaa kormeeray isbitaalka guud ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ku yaalo xerada IFO 1,waxana uu xaaladooda caafimaad ka wareystay bukaanka jiifay isbitaalka.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu safiirku ku tago xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

 

IMG_0001 IMG_0003 IMG_0005 IMG_0008 IMG_0014 IMG_0020 IMG_0075 IMG_0098 IMG_0110 IMG_0126 IMG_0170 IMG_0172 IMG_0210 IMG_0213 IMG_0215IMG_0015 IMG_0026 IMG_0029 IMG_0034 IMG_0037 IMG_0051 IMG_0067 IMG_0074 IMG_0076

 

Sawir-qaade: Abdirahman Omar Abdi ( Abdirahman Somali )

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay leedahay fursad ay ku noqoto horseedka dhaqaalaha qaaradda Afrika’’SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya Ka Tirsan Oo Kulan xasaasi ah ku Yeeshay Muqdisho

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya Ka Tirsan Oo Kulan xasaasi ah ku Yeeshay Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In