Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Dhadhaab “Sawirro”+Muuqaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Dhadhaab “Sawirro”+Muuqaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayay danjiraha dawlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyeen qunsulka safaarada Soomaaliya Cali Maxamed Sheekh( Cali Begadi),gudoomiye ku xigeenka hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka iyo Ra’uuf Mazuu oo ha madaxa hay’dda UNHCR ee dalkani Kenya ayaa maanta booqday xeryaha qaxootiga oo ay hooy u ah kumanaan Soomaali ah.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen dhadhaab waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR,waxana loo gudbiyay xarunta Q.M ay ku leedahay dhadhaab,halkaasi oo ay warbixin ku siiyeen mas’uuliyiinta hay’adda UNHCR.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

C/laahi Walid El Bah oo hay’adda UNHCr u qaabilsan xeryaha Dhadhaab ayaa wafdiga uu hogaaminayay safiirka warbixin ka siiyay xaaladaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab,isagoo in 95% qaxootiga ay yihiin Soomaali,waxana uu sheegay in ilaa 8 kun oo qaxooti ah isku diiwaan galiyeen in ay si mutadawacnimo ah ugu laabtaan dalkooda hooyo ilaa hadana la celiyay ilaa 3800 oo qof.

Safiirka ayaa xarunta UNHCR ee dhadhaab kula kulmay gudoomiyaasha xeryaha shanta ah ee ku yaalo dhadhaab,waxana uu ka dhageystay cabashooyinkooda,iyagoo su’aalo dhowr ah weydiiyay.

Danjiraha iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa dadka qaxootiga ah uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen,iyagoo sheegay in cabashooyinka ay soo jeediyeen wax ka qaban doonaan.

Safiirka ayaa sheegay in safaarada ay qorsheynayso in xeryaha Dhadhaab ay furato xafiis si dhaw ula shaqeeyo qaxootiga soomaaliyeed ee mudada ku noolaa xeryahaasi.

Qunsulka safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Begadi) ayaa ka jaawabay su’aal ay mas’uuliyiinta safaarada weydiiyeen qaxootiga oo ahayd sababta aan qaxootiga soomaalida ee ku nool xeryaha Dhadhaab aan loo siin baasaboorka Soomaaliga,isagoo sheegay in safaarada ay ka fikreyso qaabkii ay qaxootiga soomaaliyeed ku heli lahaayeen baasaboorka.

Danjiraha ayaa kormeeray isbitaalka guud ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ku yaalo xerada IFO 1,waxana uu xaaladooda caafimaad ka wareystay bukaanka jiifay isbitaalka.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu safiirku ku tago xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

IMG_0001 IMG_0003 IMG_0005 IMG_0008 IMG_0014 IMG_0020 IMG_0075 IMG_0098 IMG_0110 IMG_0126 IMG_0170 IMG_0172 IMG_0210 IMG_0213 IMG_0215IMG_0015 IMG_0026 IMG_0029 IMG_0034 IMG_0037 IMG_0051 IMG_0067 IMG_0074 IMG_0076

Sawir-qaade: Abdirahman Omar Abdi ( Abdirahman Somali )

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay leedahay fursad ay ku noqoto horseedka dhaqaalaha qaaradda Afrika’’SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya Ka Tirsan Oo Kulan xasaasi ah ku Yeeshay Muqdisho

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya Ka Tirsan Oo Kulan xasaasi ah ku Yeeshay Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In