Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan & Wasiirka Warfaafinta Dalkaasi oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan & Wasiirka Warfaafinta Dalkaasi oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa kulan kula qaatay magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska dalkaasi Suudaan mudane Faysal Maxamed Saalax.

Amb Maxamed Sheekh Isxaaq oo Wakaladda Wararka(SONNA) u waramay ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Suudaan ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah xoojinta xiriirka walaaltinimo,iyo kan wax wada qabsi ee ka dhexeeya labada dal,sida dhaqanka,Dalxiiska,Warbaahinta iyo wacyigelinta guud.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Runtii wasiirka waxaan ka wada hadalnay arrimo badan,waxaana kamid ah adkeynta xiriirka labada dal,in ay gacan weyn ka geysan doonaan tababaro quseeya,Warbaahinteena,wadaaga arrimaha dalxiiska,Dhaqanka,Horumarinta Keyda Radio Muqdisho,isdhexgal bulshada labada dal,sida in wasiirka warfaafinta Dahqanka iyo dalxiiska Soomaaliya uu yimaado Suudaan,kan Suudaan uu Soomaaliya booqdo,in ay ka qeybgalaan furitaanka Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed oo dib loo dhisay,isdhaafsiga wacyigalin guud arrimahaasi iyo kuwo kale oo badan ayaan isla garanay”.ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq.

Sidoo kale Amb Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay isku afgarteen sidii loo soo nooleyn lahaa xiriiro badan oo taariikhi ahaa kuwaasi oo ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Suudaan,iyadoo loo marayo siyaasadda arrimaha Dibadda ee madaxweynaha JFS iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,waxaana dalkaasi Suudaan tagaya oo lagu casuumayaa fanaaniinta Qaranka ee Hobalada Waaberi,si loo muujiyo is dhexgal dhinaca dhaqanka labada dal.

“bisha Oct, ee soo socota waxaa dalkan Suudaan lagu qabanaya bandhiga Carwada Buugaagta(buugfair) waxaa lagu casuumayaa aqoonyahanada Soomaaliyeed,si ay halkaasi ugu soo bandhigaan aragtidooda ayna u muujiyaan dowrkoodi,taasina waa qeyb kamid ah fursadaha lagu heli karo is dhexgal bulsho oo labada dhan ah”. Ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Dalka Suudaan ayaa kamid ah wadamada xiriirka wanaagsna la leh Soomaaliya,sidoo kale waxaa jira xiriir soo jireen ahaa oo dhankasta leh oo ka dhexeeya labada dal,iyadoo Suudaan ay si weyn u soo dhaweyso ardayda Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho ah ay siiso sanadkasta.

 

Previous Post

Taliska AFRICOM oo shaaciyay in duqeyn lagu dilay xubin ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Next Post

Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay “Sawirro”

Next Post
Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay “Sawirro”

Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay "Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In