Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo booqdey Jamacadaha ku yaalo Ankara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dajiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh ayaa maanta booqdey qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala caasimada wadanka Turkiga ee Ankara, waxaana ka mid ahaa Jaamacadihii uu booqdey Danjiraha Atılım University oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn wadankaasi.

Danjire Mursal ayaa waxaa Jaamacadda ku soo dhoweeyey hogaamiyaha Jaamacadda Prof. Abdurrahim Ozgenoglu iyo weliba Dr. Barish Yeshilbash oo ah madaxa Ardeyda Ajaaniibta.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjiraha ayaa ku sheegey booqashadiisa in uu dhiiri gelin uu ugu sameynayo Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha wadanka Turkiga, si kor loogu qaado muraalka iyo niyada Ardeyda Soomaalida ee wax ka barata halkaasi.

Dajiraha iyo Madaxdii Jaamacadaha ee uu la kulmay waxa ay si weyn uga wada hadleen in la dar dargeliyo waxbarashada Ardeyda Soomaalida ah ee wadanka Turkiga u imaanaya, iyo sidii loo sameyn lahaa xiriir Jaamacadeed oo dhexmara Jaamacadaha dalka Turkiga ku yaalla iyo kuwa gudaha Soomaaliya ku yaalla.

Jaamacada Atilim ayaa waxaa dhigata Aradey Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 20, kusaawsi oo qarkood diyaarinaya Shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda ee loo yaqaan Master-ka

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in uu Jaamacadeena nagu soo booqdo Safiirkeena noo fadhiya Wadankan” ayuu yiri Sahal Sheekh Maxamed Axmed (Kashka) oo ka mid ah Ardeyda Masterka ka dhigata  Atılım University

Danjiraha ayaa waxaa uu guddoonsiiyey Madaxa Jaamacadda Prof  Abdurrhim Ozgenoglu hadiyad uu ugu talo galey, Jaamacadda.

Danjiraha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelinayey Xoghayaha labaad ee Safaaradda Md Cabdulqaadir Maxamed Xuseen Barkhadle.

safiirka safirka2

Ali Moalinm Isak

Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Wadanka Turkey

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Yuusuf (Bari-Bari)

Next Post

Xuska maalinta dhirta Soomaaliya oo diyaar garow loogu jiro “SAWIRRO”

Next Post
Xuska maalinta dhirta Soomaaliya oo diyaar garow loogu jiro “SAWIRRO”

Xuska maalinta dhirta Soomaaliya oo diyaar garow loogu jiro “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In