Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Baalle “ Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Danjire Baalle “ Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa maanta, 3-dii bisha Jannaayo, Golaha Ammaanka ee QM uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa ugu horrayntiiba cambaareeyey hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda waddo baaritaan buuxa, ayna ku dabajirto dadkii ka danbeeyey falkaas.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Danjiraha ayaa sidoo kale si faahfaahsan Golaha ula wadaagey horumarka dhinacyada badan leh ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay mudaddii uu xilka hayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjire Abuukar ayaa sidoo kale xusay in dowladda hadda jirta ay si dhaw ula shaqaynayso hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey isaga oo sheegay in Soomaaliya ay QM ku biirtey isla markii ay sannadkii 1960-kii madaxbannaanideeda heshay, ayna ixtiraamto qawaaniinta iyo shuruucda QM.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in sharciyadda iyo sharafta dowladda Feradaalka Soomaaliya ay gacanta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxa uu tibaaxay in xukuumadda hadda jirta ay ku hawlgasho doonista shacabka Soomaaliyeed ee ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo maqaam u qalma ku dhex leh adduunweynaha.

Danjire Abuukar oo ka hadlaya dhacdadii ay dowladdu ku cayrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya, Mudane Nicholas Haysom, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u kala duwan yihiin ururrada caalamiga ah ee ay ka tirsan tahay iyo falalka saamaynta taban leh ee uu qof gaar ah ku kaco. Danjiruhu wuxuu muujiyey sida dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan habmaamuuska iyo dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka ilaa hadda lagu tallaabsaday.

Danjire Abuukar waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid go’aannadeeda u madaxbannaan, ayna hadda dagaal kula jirto argagaxisada, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sidaasi darteedna ay u baahan tahay in la garab istaago oo aan la dibindaabyeyn.

Danjire Abuukar oo arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in labadii doorasho ee Soomaaliya ugu danbeeyey ay Wakiillada QM u qaabbilsan Soomaaliya ku celcelin jireen in doorashada qof argagaxiso hore ugu lug lahaa ay noqonayso tallaabo dib-u-gurasho.

Sidaasi darteed waxa Danjiruhu Golaha u sheegay inaanay aqbali doonin dhalleecayn iyo in xubno argagaxiso ah la difaaco iyaga oo laga dhigayo kuwo aan waxba galabsan oo jallaatada gadi jirey.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Odayaasha Dhaqanka Cadaado Kala Hadlay Dhameynta Colaadaha deegannada Gal-mudug “Sawirro”

Next Post

Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro

Next Post
Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro

Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In