Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Baalle “ Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Danjire Baalle “ Soomaalidu waa in ay hoggaamisaa taageerada caalamka ee maha in caalamku hoggaamiyo taageerada Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa maanta, 3-dii bisha Jannaayo, Golaha Ammaanka ee QM uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa ugu horrayntiiba cambaareeyey hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda waddo baaritaan buuxa, ayna ku dabajirto dadkii ka danbeeyey falkaas.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Danjiraha ayaa sidoo kale si faahfaahsan Golaha ula wadaagey horumarka dhinacyada badan leh ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay mudaddii uu xilka hayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjire Abuukar ayaa sidoo kale xusay in dowladda hadda jirta ay si dhaw ula shaqaynayso hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey isaga oo sheegay in Soomaaliya ay QM ku biirtey isla markii ay sannadkii 1960-kii madaxbannaanideeda heshay, ayna ixtiraamto qawaaniinta iyo shuruucda QM.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in sharciyadda iyo sharafta dowladda Feradaalka Soomaaliya ay gacanta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxa uu tibaaxay in xukuumadda hadda jirta ay ku hawlgasho doonista shacabka Soomaaliyeed ee ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo maqaam u qalma ku dhex leh adduunweynaha.

Danjire Abuukar oo ka hadlaya dhacdadii ay dowladdu ku cayrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya, Mudane Nicholas Haysom, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u kala duwan yihiin ururrada caalamiga ah ee ay ka tirsan tahay iyo falalka saamaynta taban leh ee uu qof gaar ah ku kaco. Danjiruhu wuxuu muujiyey sida dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan habmaamuuska iyo dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka ilaa hadda lagu tallaabsaday.

Danjire Abuukar waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid go’aannadeeda u madaxbannaan, ayna hadda dagaal kula jirto argagaxisada, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sidaasi darteedna ay u baahan tahay in la garab istaago oo aan la dibindaabyeyn.

Danjire Abuukar oo arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in labadii doorasho ee Soomaaliya ugu danbeeyey ay Wakiillada QM u qaabbilsan Soomaaliya ku celcelin jireen in doorashada qof argagaxiso hore ugu lug lahaa ay noqonayso tallaabo dib-u-gurasho.

Sidaasi darteed waxa Danjiruhu Golaha u sheegay inaanay aqbali doonin dhalleecayn iyo in xubno argagaxiso ah la difaaco iyaga oo laga dhigayo kuwo aan waxba galabsan oo jallaatada gadi jirey.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Odayaasha Dhaqanka Cadaado Kala Hadlay Dhameynta Colaadaha deegannada Gal-mudug “Sawirro”

Next Post

Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro

Next Post
Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro

Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In