Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay bandhigga dhaqanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo ka qeybgalay bandhigga dhaqanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta Safaraadda Soomaaliye ee magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalay bandhig dhaqan oo lagu soo badhigay Jaamacadda Caalamiga ah ee Maraykanka – Afrika, ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano USIU-Africa.

Jaamacadaan oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Kenya iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ayaa waxa wax ku barata arday badan oo Soomaali ah, kuwaas oo Jaamacadda ka-barta kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda laga dhigo.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Ardeyda Soomaaliyeed ee Jaamacadda dhigata ayaa waxa ay halkaas ku soo bandhigeen dhaqanka faca-weyn ee qoomiyadda Soomaalida. Ardeyda ayaa iyaga oo kalsooni iyo farxad ka muuqata waxa ay dadka ka soo qeybgalay bandhiga u soo bandhigeen heeso iyo barnaamijyo ka tarjumaya dadka Soomaalida.

Ardeyda ayaa aad ugu faraxday ka soo qeyb-galka ay Madaxda Safaaradda Soomaaliya, oo uu hogaaminayo Danjire Jabriil kala soo qaybgashay bandhigga iyo garab istaag ay Safaaradda u sameeysay ardeyda waqtiga badan galisay inay soo bandhigaan kuna faanaan dhaqanka iyo taariikhda dadka Soomalida.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo lagu martiqaaday inuu la hadlo ardeyda, macalimiinta iyo marti-sharafta ka soo qeybgashay bandhiga ayaa ku amaanay hogaanka Jaamacadda qabashada bandhigaan.

Danjirte Jabril ayaa yiri “Maanta, ma aha inaan ka qayb galnay bandhig dhaqan kaliya, basle waxaynu markhaati ka nahay muujinta quruxda badan ee midnimada, walaaltinimada, iyo dareenka iskaashiga caalamiga ah ee ardeyada jaamacada wada dhigata”

Danjiraha ayaa waxa uu intaas ku daray “Dunidan oo ay inta badan kala qaybsanaantu ku badan tahay, bandhigaan waxa uu xasuusin xooggan u yahay in isku aragtida iyo isku dareenkeena ama aanu wada-wadaago inuu aad uga weyn yihiin kala duwanaashaha ina kala fogeeya. Dhaqan kasta, caado kasta, luqad kasta oo maanta halkan lagu matalayo ama lagu soo bandhigayo waxay markaati ka tahay sida aanu isugu dhaw-nahay”.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa

Next Post

Madaxweynaha JFS oo casumaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda

Next Post
Madaxweynaha JFS oo casumaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda

Madaxweynaha JFS oo casumaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In