Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo lagu qabtay Hotel-ka Trademark.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray isku-dubbaridka dadaallada lagu ilaalinayo, dib loogu soo celinayo, laguna dayactirayo webiyada iyo ilaha biyaha ee ku yaalla Basin-ka Webiyada Nairobi, si looga dhigo ilo muhiim u ah kaabayaasha cagaaran iyo buluugga ee magaalada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Dib-u-nooleynta waabiya Nairobi ayaa ah mid si toos ah u taabanaysa dadka Soomaaliyeed oo ganacsiga iyo guryaha ku leh deegaanada dib-u-habeeynta lagu sameeynayo ee xaafada Islii ama deegaanka Kaamakunji. Waxaa horay loo dumiyay guryo iyo hanti dad Soomaali ah leeyihiin. Danjire Jabril Ibrahim Cabdulla ayaa aad ugu howlan sidii loo xaqiijin lahaa in laga talagaliyo dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada daafaha Wabiyada Nairobi. Dib-u-noolaynta wabiyada Nairbi ayaa ah mid sare u qaadaysa bilcida, nadaafadda iyo guud ahaan nolasha dadka ku nool xaafadda Islii.

Ujeeddadu waxay ahayd in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, bah-wadaagta horumarinta iyo saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo la horumarinayo deegaan waara, magaalooyin nadiif ah iyo tayada nolosha bulshada.

Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa ka qayb galay kulanka, isagoo qayb ka noqday doodaha iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ku saabsan ilaalinta deegaanka, horumarinta magaalooyinka iyo iskaashiga gobolka.

 

 

Previous Post

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In