Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo soo xiray tababar ku saabsan daadajinta adeegyada caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo soo xiray tababar ku saabsan daadajinta adeegyada caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya oo soo xiray tababar ku saabsan daadajinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ayaa ku booriyay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Tababarkan oo socday muddo 4 cisho ah isla markaana uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kaashanaya Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka ee Federaalka ayaa lagu dhiraan dhiriyay hannaanka la xiriira daadajinta adeegyada caafimaadka heerarka kala duwan ee dowladda, heer Fededaal ilaa iyo dowladaha Hoose.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

“Kulankan waxa uu daba socday kulamo horey u soo dhacay, kuwaasi oo la xariiray nidaamka Federaaleynta, qeybaha uu ka koobanyahay iyo sida loo daadajin lahaa awoodaha Federaalka ilaa iyo dowladaha Hoose”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa xusay in qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP) ay dowladdu gelisay waqti badan, si dalkeenna uu u yeesho qorshe Qaran, isagoo intaa ku daray in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladdu ugu jirto in adeegyada aas aasiga la gaarsiiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa intaa raaciyay “Waxaa maanta farxad inoo ah in dhamaan wakiilada dowlad Gobolleedyada ay halkan ku dhanyihiin marka laga reebo Somaliland, waxaana tababarka lagu falanqeeyay mustaqbalka dalkeenna, gaar ahaan shaqaalaha u shaqeeya Hay’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay yihiin kuwa u qidmeeya bulshada”.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kula dardaarmay dadkii ka faa’iideystay tababarka in cilmiga ay barteen ku dabaqaan howlaha ay bulshada u hayaan, isagoo quburada casharada bixineysay uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Shaqada XFS Yuusuf Maxamed Aadan “Dowladda Soomaaliya waxay markasta ka shaqeyneysaa sidii tayada shaqaalaha rayidka ah loo kordhin lahaa”.

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka heerka sare ee Bankiga Adduunka

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka heerka sare ee Bankiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka heerka sare ee Bankiga Adduunka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In