Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo Nairobi Kula Kulmay Madaxa Q.M ee Kenya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo Nairobi Kula Kulmay Madaxa Q.M ee Kenya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa qaramada midoobay ee dalkani Kenya Ambassador Zahle ayaa xafiiskeeda ku qaabishay danjiraha dowlada soomaaliya u fadhiya dalkani kenya Jamaal Maxamed Xasan oo uu wehliyay qunsulka safaarada Cali Maxamed Shiikh Cali bagadi,isagoo safiirku ku wareejiyay wakiilka Qaramada Midoobay ee dalkani kenya warqadihiisa aqoonsiga ee cadeynaya in uu yahay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah Kenya,iyadoo ka gudoontay si rasmi ahna u aqoonsatay Danjire Jamaal Maxamed Xasan.

Safiirka ayaa saxiixay buuga danjirayaasha dowladaha caalamka u fadhiya kenya ee xafiiska Qaramada midaabay, intaasi kadibna safiirka iyo qunsulkaba ayaa kulan la qaateen Mss Zahle wakiilka Qaramada midoobay ee dalkani kenya waxayna ka wada hadleen sidii loo balaarin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa safaarada soomaaliya iyo xafiiska Qaramada midoobay ee Kenya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa Ambassador Zahle uga warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka soomaaliya.

Kulankaasi markii uu soo idlaaday ayuu qunsulka safaarada soomaaliya ee kenya mudane Cali Maxamed Shiikh Cali bagadi waxa uu ka warbixiyay kulanka dhex maray safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo wakiilka Qaramada midoobay ee Kenya.

Cali Begadi ayaa sheegay in danjire Jamaal Maxamed Xasan uu kala hadlay madaxa qaramada midoobay ee dalkani Kenya sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen safaarada iyo xafiiska qarmada midoobay iyo sidii safaarada uga ogaan lahayd waxyaabaha ay qaramada midoobay ka qabaneyso Soomaaliya.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Iskuulada Gaalgacyo “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In