Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaaludiin “sii deynta Qalbi-dhax waa codsi ka yimid dowladda Soomaaliya”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Danjire Jamaaludiin “sii deynta Qalbi-dhax waa codsi ka yimid dowladda Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

 Dowladda Ethiopia ayaa faah-faahin ka bixisay sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax)  in ay ku timid codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, dhinaca kalena fasiraad ka bixisay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya war uu  siiyey ku sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax,  dowladda Federaalka Itoobiyana ay tixgelisay codsigaas lana sii daayey.

Dhinaca kale Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa fasiraad ka bixiyey hadal uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dalkiisa, kaas oo warbaahinta ay si khaldan u turjumeen, waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin laba dal oo la mideynaya, hasa yeeshee u jeedadu ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa mideynta Dhaqaalaha  geeska Africa si Soomaaliya iyo Itoobiya ay hormuud ugu noqdaan arrintaas.

“waxba kama jiraan hadallada  been abuurka ah ee sheegaya  in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu  yiri waxaa la mideynaya labada dal, waxa la mideynaya waa Dhaqaalaha labada dowladdood, taasna Midowga Yurub, Midowga Africa iyo waddamada horumaray ayaa ku dhaqma, cadowgeenna waa Faqriga iyo Gaajada waana in aan  si wadajir ah ula dagaallamaan labada dal”.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Jamaaludiin ayaa sheegay in Jiilashada hadda ee labada waddan in aysan u baahneyn colaadihii la soo maray oo ilbaxnimadu ay tahay in la isdhaxgalo.

Dalka Itooobiya waxaa ka jira isbaddello siyaasaddeed, taas oo keentay in maxaabiista qolyaha mucaawadka laga sii daayo Xabsiyada dalka Itoobiya, sii deynta Qalbi-dhagaxna ay qeyb ka tahay isbaddelladaas Itoobiya ka socda.

Previous Post

Guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga

Next Post

Afrika Oo Ka Maqan Wareega 16-ka Koobka Aduunka

Next Post
Afrika Oo Ka Maqan Wareega 16-ka Koobka Aduunka

Afrika Oo Ka Maqan Wareega 16-ka Koobka Aduunka

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In