Danjiraha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika sidoo kalena ah Safiirka Dalalka Southern Afrika Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Safiirnimo waxaa ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Botswana Dr. Phenyo Butale,.
Danjire Maxamed Sheekh ayaa Wasiirka Guddoonsiiyay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ee Dalka Botswana, halkaas oo uu ka noqon doono Safiir aan daganeyn.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Botswana ayuu Danjire Maxamed Isaaq sidoo kale gaarsiiyay Wasiirka salaan uu ka waday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya.











