Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DANJIRE TARSAN: Cunaqabataynta Hubka ha laga qaado Soomaaliya si ay uga adkaato Argagixisada

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
DANJIRE TARSAN: Cunaqabataynta Hubka ha laga qaado Soomaaliya si ay uga adkaato Argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire, Maxamuud Axmed Nuur โ€œTarsanโ€ ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baahi wayn u qabto in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran si ay uga adkaato kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya iyo gobolka bariga Afrika.

Related posts

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026

Wareysi uu siiyay Wargeysta Standard ee ka soo baxa dalka Kenya Axaddii, ayuu danjire Tarsan ku sheegay โ€œWaxaa jira dadaallo badan oo ay ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan si ay guulo u gaaraan.

Laakin ciidankeennu waxa uu u baahan yahay hub horumarsan iyo tababar. Ciidankeenu waxa ay haystaan hubka ay haystaan kooxada AL-Shabaab oo kale, haddaba sideen u noqon karnaa kuwa guulaysta?โ€.

Danjiraha ayaa sii raaciyay โ€œTusaale, Mareykanka -oo haysta ciidanka ugu xooggan uguna qalabka fiican adduunka- ayaa kula dagaallamaya Daalibaan dalka Afghanistaan 17 sano, laakin ma aysan ka guulaysan wali, ayagoo xataa ka hub sarreeya, Marka sideed uga rajaynaysaa dowladda Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay in ay si xoog leh ula dagaasho Al-Shabaabโ€.

โ€œWaxay la mid tahay in ay gacmaha naga xireen, kaddibna -caalamku- noo sheegayo in aan la dagaallano Al-Shabaab.

Mar la waydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya u aragto ka bixidda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayuu danjire Tarsan yiri โ€œAragtideennu waa in haddii ciidanka AMISOM ay baxayaan lagu beddelo ciidanka Soomaaliya oo aad u tababaran, una hubeysan. Caqabaddu waxay tahay, beesha caalamka ayay ahayd in ay naga caawiyaan tababarka iyo qalabaynta 30 kun oo ciidanka XDS ah marka ay AMISOM dalka ka baxayso 2021-da, laakin taasi ma socoto hadda. Waxay la micno tahay ciidanka XDS hadda ma buuxin karaan kaalintaasโ€.

Danjire Tarsan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee Afrika ku yaalla ee dagaal kula jira laba urur argagixiso oo caalami ah.

โ€œKaliya lama dagaallamayno Al-Shabaab, laakin waxaan sidoo kale, la dagaallamaynaa ISIS ama Daacish. Soomaaliya waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee la dagaallamaya laba urur oo argagixiso caalamiya ah oo ku jira xudduudaheena, beesha caalamkuna waxa ay wali nagu haysaa cunaqabatayn hub oo saaran dalkeenna. Hadda, waxaan wajahaynaa caqabad kale oo hub ayaa si sharci darro ah dalkeena uga soo galaya Yemen.

Waa xuquuqda madax-bannaanideenna in aan difaacno nafteenna, laakin sideen ula dagaallamaynaa kooxahaas haddii aanan hubeyn karin ciidankeenna? Sidaas darted, waxaan jeclaan lahayn in dowladaha gobolku oo ay Kenya ugu horreyso nooga ololeeyaan fagaarayaasha caalamiga ah si cunaqabataynta hubka looga qaado waddankeenna.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya, iskaashiga ganacsi iyo ammaan ee labda dal iyo waliba horummarada dhaqaale,ย  siyaasadeed iyo fursadaha maalgashi ee ka jira waddanka Soomaaliya.

WarbaahintaQaranka, Nairobi-Kenya

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay danjire David Concar +Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In