Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Warfaa oo kulamo miro dhalay la qaatay Safiirada Kenya iyo Mauritius ee Ethiopia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Danjire Warfaa oo kulamo miro dhalay la qaatay Safiirada Kenya iyo Mauritius ee Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo dhaxal-gal ah oo miro dhalay la qaatay safiirada dalalka Kenya Ambassador D.Raj  Busgeeth iyo Mauritius Ambassador Jean Njeri Kamau ee dalka Ethiopia, kulamadaas ayaa ku qotomay adkaynta cilaaqaadka saddexda dal, iskaashiga iyo ka wada shaqaynta horumarka guud ahaan dalalka Gobolka Geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Mauritius.

Safiir Warfaa, ayaa soo dhoweyn iyo hab-maamus waafqasan curfiga Diblomaasiyadda caalamka kala kulmay labada danjire ee Kenya iyo Mauritius, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sarreeyo ee ay ugu sameeyeen safaaradahooda Addis Ababa, sidoo kalena wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u iftiimiyey in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku guulaysatay tallaabooyin kala duwan oo ay u qaaday dhinaca kobcinta Dawlad-wanaagga iyo adkaynta Nabad-gelyada, ayna muhiimad weyn u leedahay in dalalka Geeska Afrika ay si buuxda u garab istaagaan Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026

Sidoo kale, Danjire Warfaa ayaa dhigiisa Kenya Ambassador Jean ku adkeeyey in labada Safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee dalkan Ethiopia ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga maadaama ay wakiil ka yihiin dalal isku dan ah oo ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiimad weyn u ah horumarkooda iyo midka Geeska Afrika.

 

Danjire Warfaa iyo Safiir D.Raj, ayaa dhankooda si wada jir ah u bogaadiyay xiriirka laba geesoodka soo jireenka ah ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo Mauritius waxayna isla qaateen in lasii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Danjirayaasha Kenya iyo Mauritius ayaa si buuxda u caddeeyey inay sii xoojin doonaan xiriirka iyo garab istaaga ay la leeyihiin Soomaaliya, ayna ku taageeri doonaan dedaalka ay Soomaaliya ugu jirto Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026
0

Muqdisho ayaa goordhow martigelin doonta Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan mas'uuliyiin ka tirsan...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In