Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Warfaa oo kulamo miro dhalay la qaatay Safiirada Kenya iyo Mauritius ee Ethiopia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Danjire Warfaa oo kulamo miro dhalay la qaatay Safiirada Kenya iyo Mauritius ee Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo dhaxal-gal ah oo miro dhalay la qaatay safiirada dalalka Kenya Ambassador D.Raj  Busgeeth iyo Mauritius Ambassador Jean Njeri Kamau ee dalka Ethiopia, kulamadaas ayaa ku qotomay adkaynta cilaaqaadka saddexda dal, iskaashiga iyo ka wada shaqaynta horumarka guud ahaan dalalka Gobolka Geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Mauritius.

Safiir Warfaa, ayaa soo dhoweyn iyo hab-maamus waafqasan curfiga Diblomaasiyadda caalamka kala kulmay labada danjire ee Kenya iyo Mauritius, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sarreeyo ee ay ugu sameeyeen safaaradahooda Addis Ababa, sidoo kalena wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u iftiimiyey in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku guulaysatay tallaabooyin kala duwan oo ay u qaaday dhinaca kobcinta Dawlad-wanaagga iyo adkaynta Nabad-gelyada, ayna muhiimad weyn u leedahay in dalalka Geeska Afrika ay si buuxda u garab istaagaan Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Sidoo kale, Danjire Warfaa ayaa dhigiisa Kenya Ambassador Jean ku adkeeyey in labada Safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee dalkan Ethiopia ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga maadaama ay wakiil ka yihiin dalal isku dan ah oo ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiimad weyn u ah horumarkooda iyo midka Geeska Afrika.

 

Danjire Warfaa iyo Safiir D.Raj, ayaa dhankooda si wada jir ah u bogaadiyay xiriirka laba geesoodka soo jireenka ah ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo Mauritius waxayna isla qaateen in lasii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Danjirayaasha Kenya iyo Mauritius ayaa si buuxda u caddeeyey inay sii xoojin doonaan xiriirka iyo garab istaaga ay la leeyihiin Soomaaliya, ayna ku taageeri doonaan dedaalka ay Soomaaliya ugu jirto Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In