Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Danyarihii Dulmiga Lagu Dilay.!!

caqiil by caqiil
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta

Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee, Diinle Qase Raage oo ku magac dheeraa Diinle Kabiirow wuxuu ahaa Aabe, nolosha qoyskiisa ku masaruufa Gaari gacan uu ku xamaali jiray.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Laakiin, noloshiisa ayaa ku dhamaatay meel u dhow Tiyaatarka Qaranka 22-kii bishaan December, ka dib markii Al-Shabaab halkaasi ay ku qarxiyeen Gaari ay ka soo rakibeen waxyaabaha Qarxa.

Gaari gacan ayuu ku riixayay Loor dhuxul ah, oo uu ku sii jeeday guri ku yaala degmada Warta Nabadda, xilliga ay musiibada ku qabsatay Agagaarka Golaha Murtida, sida ay inoo xaqiijisay Kaltuumo Maxamed Mataan oo ah afadiisa.

Diinle Kabiirow, wuxuu ahaa 82-sano jir, ku shaqaysta xoogiisa, wixii dhididkiisa uu ku helana ku koriya carruurtiisa, ku dhowaad 30-sano ayuu ku shaqeynayay Gaari gacanka, sida ay inoo sheegeen dadkii yaqaanay Diinle.

Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta
Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta

Wuxuu ifka oga tagay Diinle 41- ruux oo isugu jira wuxuu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen iyo xaaskiisa, sidoo kale inta uusan geeriyoon wuxuu gacanta ku haayay oo uu korinayay 21-Carruur ah.

Waxay waayeen Aabahood
Waxay waayeen Aabahood

Wuxuu ahaa nin naxariis badan, oo leh dabeecad wanaagsan, Af gaaban, sidoo kalana dadka caawin jiray oo ay aad u jeclaayeen dadka dariska ah iyo asxaabtiisa, sida ay inoo sheegeen dadkii yaqaanay Diinle.

Hooyo, Kaltuumo Maxamed Mataan, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Aabe, Diinle Qase Raage, ayaa sheegtay inaysan jirin il kale oo ay ku tiirsanaayeen marka laga reebo Marxuumka geeriyooday, waxaana iminka ay sugayaan caawinta Alle iyo sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed.

Ciddii awoodo in ay caawiso qoyskan waxaa ay kala xiriiri karaan; 0617610672.

Previous Post

Wafdi ka socda Hirshabeele oo maanta tagay Buula Burde+sawirro

Next Post

Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda”Sawirro

Next Post
Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda”Sawirro

Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda”Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In