Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa shir gudoominayay kulan looga hadlayay horumarka Dowladda ay ka sameysay hufnaanta Maamulka Maaliyada.
Kulankaan oo laga hadalyey horumarka laga sameeyey hufnanta maamulka maaliyadda Soomaaliya iyo qaabka ay u shaqeyaan hay’addaha Maaliyadda ayaa waxaa isku yimid guddi dowladda Soomaaliya u xilsaaray la socodka mamulka maaliyadda kaasi ka kooban xubno kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud Qaranka, xafiisyada Ra’iisal wasaraha, barlamaanka iyo ururadda bulshadda rayidka,
Kulanka oo uu shir guddoominayey ku xigeenka Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Madane Maxamed Cumar Carte ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda , Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga iyo Guddomiyaha Bandhiga Dhexe waxaana looga dooday hufnaanta maamulka maaliyadda ay dowladdu ka samaysay sidii loo dar-dar galin lahaa .
Wasiirka maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aaden Ibraahim Fergeeti oo kulankaasi markii uu soo idlaaday la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in kulankan uu yahay mid muhiim ah, isla markaana la’isku dhaafsaday figrado ku aadan xoojinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya.
“Kulanka waxaa aad looga dooday horumarka ay dowladdu ka samaysay hufnanta maamulka Maaliyadda Soomaaliya oo maanta runtii soo gaaray meel wanaagsan, iyo sidii loo la jaanqaadi kara hananka maamul ee calamka, dowladda sidaa ogtihiin waxay ku guulaysatay inay hirgeliso system lagu maareeyo maaliyadda dowladda”.ayuu yiri Wasiir Fergeeti