Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladaha Masar, Suudaan iyo Itoobiya  oo wadahal ugu furmay Koongo

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Dawladaha Masar, Suudaan iyo Itoobiya  oo wadahal ugu furmay Koongo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo Axad, wada hadalo ayaa ka bilaaban doona Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, oo ku saabsan arrimaha Wabiga Niil, ee u dhexeeya wadamadda Masar, Suudaan iyo Itoobiya iyo mashruuca Biyo xireenka Itoobiya ay waddo,  shirka ayaa waxaa uu socondoona muddo saddex maalmood ah, iyadoo la isku dayayo in arrinkan  loo maro dariiqa cusub, meeshana laga saarowax kasta oo keeni karo gorgortan.

Wasiirka waraabka Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dalkiisu uu wado dadaal laba jibaar ah oo lagu soo saarayo tamarta dalkiisa, iyada oo la adeegsanaayo Biyo xireenka ayna u diyaar garoobayaan wajiga xiga ee mashruucan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Maalintii Shalay waxaa dhacay Shir ay soo qabanqaabiyeen Midowga Afrika, kaa oo looga gogol xaaraya kulanka wasiirada arrimaha dibadda iyo waraabka ee sedaxdan dal oo loo qorsheeyay in maanta ay ka dhacaan Koongo, si heshiis looga gaaro arrimaha Wabiga Niil iyo dhismaha Biyo xireenka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa lagu muujiyay  miro dhalka wada-xaajoodka, kuwaa oo ugu danbeeyn horseedi doona heshiis sharci ah oo laga gaaro buuxinta kaydka Biyo xireenka Itoobiya.

Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax  Al Siisi, ayaa ku hanjabay intii uu ku guda jiray kormeerkii Marinka Suweys, in qofna uusan awood u yeelan doonin inuu dhibic Biyo ah ka qaato Masar, isaga oo intaas ku daray in dhankooda ay diyaar u yahiin wadahadalo kasta oo lagu xalinaayo muranka ka dhashay dhismaha Biyo xireenkan Niil.

Previous Post

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee Awdhiigle oo soo bandhigay meydadka 75 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la’aan ka jirta gobolka.

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la’aan ka jirta gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la'aan ka jirta gobolka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In