Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda oo kaalmo dhaqaale siinaysa 160,000 qoys oo la xiriirta Barnaamijka Baxnaano “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dawladda oo kaalmo dhaqaale siinaysa 160,000 qoys oo la xiriirta Barnaamijka Baxnaano “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Sabtida maanta 6 bisha November, 2021 waxaa lagu daahfuray wajiga labaad ee mashruuca qoysaska uu saameeyey Ayaxa.

Wajigii koowaad waxaa ka faa’iideystay qoysas gaaraya 102,000 oo ku nool 42 degmo ee guud ahaan Soomaaliya, iyadoo muddo lix bilood ah la siinayay 60$ bishiiba.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

March 6, 2026

Waxaa hadda wejiga 2aad Dawladda u suurto gashay inay caawimaad dhaqaale ka hesho Bankiga Adduunka, iyadoo la gaarsiin doono ilaa 160,000 qoys cusub oo ku nool 48 degmo ee guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad goboleedyada Dalka, Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu daahfuray mashruuca ayaa boggaadiyay taageerrada Dawladda ee Dadka nugul iyo kuwa uu saameeyey Ayaxa.

Mudane, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  inay Dawladda ku guulaysatay in si degdeg ah uga jawaabto saamaynta Ayuxu u gaystay bulshada nugul.

“Mashruucan caawinta dadka Ayuxu saameeyay wuxuu ka caawinayaa bulshada aadka saboolka u ah inay ku negaadaan deegaannadooda, dibna u wataan noloshooda beeraha, xoolaha iwm. Waxaan haddaba ka rajaynayaa mas’uuliyiinta Dawlad-goboleedyadu inay doorkooda shariifka ah ka qaataan Meelmarinta hawlahan bulshada nugul loogu adeegayo.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Cali Saciid Fiqi ayaa ku tilmaamay daahfurka wajiga labaad ee mashruucan inuu door weyn ka qaadanayo ka hortagga saameyn ay Bulshada kala kulmaan dhibaatooyinka uu u geystay Ayaxa.

“Mashruucan oo ujeeddadiisu tahay Bulshada inaysan deegaannadooda ka barakicin, wuxuu sidoo kale Bulshada kalsooni ku siinayaa sida ay Dawladda diyaar ugu tahay ka jawaabida marxadaha deg degga ah ee saameynta bulsho geysta.” ayuu yiri Guddoomiye Cali Fiqi oo si rasmi ah markaa u daahfuray mashruuca.

Mashruuca si degdeg ah uga jawaabidda masiibooyinka saameeya bulshada, ayaa qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka, gaar ahaan barnaamijka Baxnaano.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo cafis u fidiyay sarkaal hub kala soo goostay Ahlusunna

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo qoysas uu saameeyay fatahaad

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo kaalmo gaarsiiyay dadkii ay saameeyeen fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo qoysas uu saameeyay fatahaad

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

March 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud...

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, (Jeneraal Khaalid) ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaas...

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In