Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda oo war ka soo saartay hawlgal ka dhacay Jubada hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Dawladda oo war ka soo saartay hawlgal ka dhacay Jubada hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladda oo kaashanaya la hawlgalayaashooda caalamiga ah ee US AFRICOM ay ka hortageen weerar argagixiso oo qarax ku bilowday, kaas oo maleeshiyada Al-shabaab saaka 8:00am waqtiga maxaliga ku soo qaadeen deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60-km dhinaca woqooyi ka xigta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa isku dayday inay dhaafaan bar Kontorol oo halkaasi ay ciidamadu ku lahaayeen, balse ciidanka dawladda iyo kuwa Maraykanka ayaa si deg deg ah uga hortagay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Hawlgalkaas waxaa ku dhintay 2-askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, 3-kalena waa ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey afhayeenka Wasaaradda Warfaafintahalka Ismaaciil Mukhtaar, Maraykankuna dhinacooda waxay xaqiijiyeen dhaawaca hal askari oo ciidankooda ka tirsan iyo dhimashada mid ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.

“Dadaalada wadajirka ah ee Maraykanka iyo ciidanka dawladda Soomaaliya waxay xadideen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab iyo inay gaaraan hadafkooda, balse kooxdan xagjirka ah oo ah cadawga Soomaaliyeed waxay dhibaato ku haysaa dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, US.AFRICOM iyo AMISOM, waxay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-qaacida, waxaana la saaray cadaadis xooggan, si loo xadido inay balaariyaan ficiladooda qalafsan ee argagixisonimo iyo dambiyada ay ku tallaabsadaan.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda Itoobiya oo saami ka siineysa Shirkada Ethio telecom Shirkado Caalami ah.

Next Post
Itoobiya oo heshiis la gaartay Laba Garab oo ka tirsan Jabhadaha Oromada

Dowladda Itoobiya oo saami ka siineysa Shirkada Ethio telecom Shirkado Caalami ah.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In