Wasiirka Arrimaha Debbada Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ka gudoomiyey kaalmadan lacageed, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian.
โDawladda Shiinaha waxa ay gudoonsiinaysa Wasiirka Arrimaha Debbadda Soomaaliya lacag 1.5 milyan oo ah kaalmo beniโaadinimo oo aan doonayno wax looga qabto dadka fataahada ku saameeyey, Markii aan Warbaahinta ku arkay muuqaalada dadka fataahada saamaysay ayaan dawladayda gaarsiiyey xaaladda, waana tan jawaabtaโ, Safiirka Shiinaha Qin Jian ayaa sidaa yiri.
Safiirka ayaa xusay in dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ay leeyihiin saaxiibtinimo iyo walaaltinimo fog ayna ka goโan tahay ay laba laabaan taageerada ay siiyaan iyo kor u qaadaan iskaashiga labada dhinac.
Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha debbadda Soomaaliya ayaa uga mahad-naqay dawladda Shiinaha deeqda lacageed ee ay soo gaarsiisay,isagoo sheegay in dalabkii Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo kan Raโisul wasaarahaba ay si dhaqsi leh ay kaga soo jawaabeen.
Shiinaha ayaa Soomaaliya ka caabinaya dhinacyada mashaariiicda horumarineed, beniโaadinimada,iyo amniga, waxaana xiriirka labada dal uu bilowday December 14, 1960