Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda Soomaaliya oo $500,000 oo dheeraad ah ku bixineysa gurmadka fatahaadaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dawladda Soomaaliya oo $500,000 oo dheeraad ah ku bixineysa gurmadka fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay yeesheen guddigu oo looga hadlayay howlaha gurmadka meesha ay marayaan, sida loo sii dardar gelin karo iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.

Ugu horeyn xubna kamid ah guddiga oo khamiistii tegay magaalada Beledweyne oo kamid ah deegaanada fatahaaduhu saameeyeen, ayaa waxa ay kawar bixiyeen xaaladda deegaanka ka jirta iyo gargaarka la gaarsiiyay.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in $100,000 oo maamulka Gobalka Banaadir uu bixiyay la gaarsiiyay Beledweyne laguna wareejiyay madaxweynaha Hir-shabeelle si ay qeyb uga noqoto gargaarka lagu tabarucayo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in safiirada Qadar iyo Turkiga ee Soomaaliya oo khamiistii tegay Beledweyne ay raashin gargaar ah u qeybiyeen 5,000 oo qoys.

Waxaa kale oo warbixin laga dhageestay guddi hoosaadka Xog-raadinta kuwaas oo sheegay in ay jiraan deegaanno hor leh oo daadadku ay saameeyeen oo ay ugu daranyihiin deegaanno ka tirsan Jubaland.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isla gartay in lasii laba jibbaaro dadaallada loogu gurmanayo qoysaska Soomaaliyeed ee daadadku ku dhibaateeyeen qeybo badan oo kamid ah dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in horay Milyan Doolar horay dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.

“Warbixinta aan helnay ayaa sheegeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Mudane Khadar ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaaka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka.

Previous Post

Xulka Qaranka Mini Football-ka Oo Maanta Ka Dhoofay Aadan Cade Airport

Next Post

Wasiirka Amniga” goobaha ugu horeeya ee Ciidamada AMISOM lagala wareegayo waxaa ka mid ah Stadium Muqdisho+Sawirro

Next Post
Wasiirka Amniga” goobaha ugu horeeya ee Ciidamada AMISOM lagala wareegayo waxaa  ka mid ah Stadium Muqdisho+Sawirro

Wasiirka Amniga” goobaha ugu horeeya ee Ciidamada AMISOM lagala wareegayo waxaa ka mid ah Stadium Muqdisho+Sawirro

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In