Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun caafimaad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun caafimaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu daah furayay xarunta Hooyada iyo dhalaanka Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday maamul goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, Xubnoa ka socday Hay’adda Qatar Charity  iyo dadka deegaanka.

Deegaan xeebeedka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa xaruntan caafiamad ee maanta laga hirgeliyay ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee halkaasi laga furo, waxaana goobta ka hadlay Guddoomiyaha deegaanka Jaziira Cabdicasiis Xaaji Cali, kaasi oo tilmaamay in bulshada deegaanka ay baahi weyn u qabeen helidda adeegyo caafimaad, isla markaana ay xaruntan caafimaad ka saacidi doonto dadka ay u soo qaadi jireen Muqdisho.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxa bariga Afrika ee Hay’adda Qatar charity Maxamed Xuseen Cumar ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay soo gabo gabeeyeen dhismaha xarunta hooyada iyo dhalaanka ee deegaanka Jaziira, isagoo xusay in ay yihiin hay’addii ugu horeysay ee xarun caafimaad ka hirgelisa Deegaanka Jzaiira, iyagoo ka jawaabaya baahida ay bulshada u qabeen helidda adeegyo caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka ee Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Isxaaq Cali Sood ayaa sheegay in xarunta ay noqon doonto mid loogu adeegayo bulshada, isagoo shacabka ka dalbaday inay ilaashadaan xarunta.

Xaruntan cusub ee Hooyada iyo dhalaanka ee maanta laga hirgeliyay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ka faa’iideysan doono bulshada deegaankaasi ku nool, maadaama deegaanka uu ka midyahay goobaha loo dalxiis tego.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu soo laabtay dalka “SAWIRRO”

Next Post

Tababbar Cadaado uga furmay Macalimiinta dugsiyada sare ee Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Tababbar Cadaado uga furmay Macalimiinta dugsiyada sare ee Galmudug “SAWIRRO”

Tababbar Cadaado uga furmay Macalimiinta dugsiyada sare ee Galmudug "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In