Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun caafimaad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 30, 2016
in Wararka
0
Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun caafimaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu daah furayay xarunta Hooyada iyo dhalaanka Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday maamul goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, Xubnoa ka socday Hay’adda Qatar Charity  iyo dadka deegaanka.

Deegaan xeebeedka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa xaruntan caafiamad ee maanta laga hirgeliyay ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee halkaasi laga furo, waxaana goobta ka hadlay Guddoomiyaha deegaanka Jaziira Cabdicasiis Xaaji Cali, kaasi oo tilmaamay in bulshada deegaanka ay baahi weyn u qabeen helidda adeegyo caafimaad, isla markaana ay xaruntan caafimaad ka saacidi doonto dadka ay u soo qaadi jireen Muqdisho.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Madaxa bariga Afrika ee Hay’adda Qatar charity Maxamed Xuseen Cumar ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay soo gabo gabeeyeen dhismaha xarunta hooyada iyo dhalaanka ee deegaanka Jaziira, isagoo xusay in ay yihiin hay’addii ugu horeysay ee xarun caafimaad ka hirgelisa Deegaanka Jzaiira, iyagoo ka jawaabaya baahida ay bulshada u qabeen helidda adeegyo caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka ee Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Isxaaq Cali Sood ayaa sheegay in xarunta ay noqon doonto mid loogu adeegayo bulshada, isagoo shacabka ka dalbaday inay ilaashadaan xarunta.

Xaruntan cusub ee Hooyada iyo dhalaanka ee maanta laga hirgeliyay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ka faa’iideysan doono bulshada deegaankaasi ku nool, maadaama deegaanka uu ka midyahay goobaha loo dalxiis tego.

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu soo laabtay dalka “SAWIRRO”

Next Post

Tababbar Cadaado uga furmay Macalimiinta dugsiyada sare ee Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Tababbar Cadaado uga furmay Macalimiinta dugsiyada sare ee Galmudug “SAWIRRO”

Tababbar Cadaado uga furmay Macalimiinta dugsiyada sare ee Galmudug "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In