Thursday, November 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Warjirow ee Dagmada Balcad oo  MCH la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 9, 2016
in Wararka
0
Deegaanka Warjirow ee Dagmada Balcad oo  MCH la dhagax dhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad aad u sareyso ay soo qaban qaabiyeen URURKA SAAD taas oo isugu jirtay dhagax dhig xarun caafimaad, furitaan Ceel Biyood iyo furitaanka Sanad dugsiyadeedka 2016-2017 ee Dugsiga Hoose Dhexe ee Warjirow aya lagu qabtay deegaanka Waljirow ee degmada Balcad.

Munaasabada waxaa ka soo qeyb galay Xilibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid ahayeen Xilibaan Qaasin Cali Nuur, Xilibaan Xasan Macalin iyo Xiibaan Xaliimo Xasan Cumar, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Malaaqa Xamar iyo Xamardaye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye, Dr Maxamuud Shire, Gudoomiyaha Dagmada Balcad Maxamed Maxamuud Saneey Gudoomiye ku-xigeenada Degmooyinka Heliwaa iyo Dayniile Abshir Kaaraan iyo Axmednuur Adeerow, Wakiilka Duqa magalaada Muqdisho Xasan Cali Xasan iyo lataliyaha Duqa Muqdisho Bakiin Maaxi Macalin.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Warshadda Wax Soo Saarka Difaaca Ee Yarmouk

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Warshadda Wax Soo Saarka Difaaca Ee Yarmouk

November 2, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

November 2, 2022

Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab Gudoomiyaha Dhallinyaada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan, Maamo Sahro oo kasocotay Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Xabiibo Maxamed Xasan (Gadafey) oo kasocotay qurba joogta Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Somali Asal Foundation Maxamed Shariif Maxamed, Gudoomiyaha Ururka Hoseedka Nabada Maxamed Axmed Taagane, Sheekh Cali Fanax , Ibraahim Foodey Xasan Maxamed, Cumar Yariis Ustaad Maxamed Xasan Hareed iyo Liin Xasan Maxamed oo ah gabadha hirgilisay Iskoolka warjirow. dhamaan dadki ka hadlay xafladaas ayaa u mahad celiyay intii gacan ka geeystay horumarka ka socda deegaankaas.

gabagabadii URURKA SAAD ayaa ugartatay Drs Maamo Liin Xasan oo ah shaqsi ku dayasho mudan, ayagoo gudoonsiiyay Shahaado Sharaf,  waxaana gudoonsiiyay  Guddoomiyaha URURKA SAAD Mr Xasan Cumar Cismaan (Xasan Juungal) waxaa kale aa Shahaado Sharaf lagudoonsiiyay  Macalin kamid ah macalimiinta Jaamacadaha Soomaaliya Ustaad Maxamed Xasan Cismaan (Ustaad Xabeeb) sida hagar la’aanta ah oo ula shaqeeyay URURKA SAAD  waxaana gudoonsiisay  Xoghayaha Caafimaadka URURKA SAAD Drs Fartuun Axmed Cumar waxaa sidoo kale SAAD geysay Iskoolka Agab waxbarasho oo qeyb kamid ah usoo wakiishay Ganacsade Giirey qeybta kalana ay ku dareen URURKA SAAD waxaana hadiyado lagudoonsiiyay Ardayda kaalmaha galeen  waxeyna ku soo dhamaatay Guul.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan maamulkaasi+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan maamulkaasi+Sawirro

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan maamulkaasi+Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Warshadda Wax Soo Saarka Difaaca Ee Yarmouk

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Warshadda Wax Soo Saarka Difaaca Ee Yarmouk

November 2, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

November 2, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda...

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo fasaxday shaqaalaha rayi’dka ah

Hay’adda Duulista Rayidka oo deeq lacageed Ku wareejisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

November 2, 2022
0

Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta ku deeqday 26,000 oo dolar taasoo ka timid mushaaraadka shaqaalaha Hay'adda Duulista. Wasiirka Wasaaradda...

Barakacayaal ku nool Degmada Ceelberde oo codsaday in gargaar lala soo gaaro

Barakacayaal ku nool Degmada Ceelberde oo codsaday in gargaar lala soo gaaro

November 2, 2022
0

Dadka barakacayaasha ah ee Ku dhaqan kaamamka magaalada Ceelberde ayaa wajahaya xaalan Beni-aadannimo, dadkaan oo ka soo caracaray abaatihii Dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In