Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaannada Hirshabeele oo ka socoto abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Deegaannada Hirshabeele oo ka socoto abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo deegaano ka tirsan Hirshabeele ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta  Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa gaaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka iyo Saraakiil ka socotay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ahaa ka qeybgalka munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo halkaasina lageeyey ciidamo lagu xoojiyo amniga deegaankaasi, sida uu soo sheegayo wariyeheena Abuukar Maxamed Bacaadle.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026

Guddoomiyaha cusub ee maamulka Degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo maanta xilka la wareegay ayaa ka codsaday bulshada in ay kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka deegaanka.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Maxamuud Macalin Koronto oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xureyn doono dhammaan deegaannada Hirshabeelle inta ka maqan gacanta Dowladda oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliye Koronto ayaa intaasi ku daray in dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ballaaran oo Al-Shabaab looga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeele, isagoo shacabka ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidamada Xoogga Dalka.

Previous Post

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In