Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo howlgallo laga sameeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo howlgallo laga sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISSOM ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Yoontooy iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose kaddib markii duqeymo qasaare geystay lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deeganno ka tirsan Jubbada hoose, kuwaasi oo lagu dilay 27 ka tirsan Kooxda Alshabaab oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha howlgalladda ciidanka Jubbaland Korneyl Maxamed Sheekh Cabdi ayaa tilmaamay in ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMSOM ay duqeymo ka geysteen deegaannada Buula-gaduud, Yoontooy, Qaanqaan, Jamaame iyo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, isagoo intaa ku daray in duqeymahaasi ay bar bar socdeen howlgallo dib gacanta dowladda loogu soo celinayo deegannada ay ku suganyihiin kooxda Shabaab.

“Duqeymaha iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee aan sida wada jirka ah ugu qaadnay deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab waxaan ku bur burinay gaadiid iyo fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaannada ku dhaw webiga Jubba” ayuu yiri Korneyl Maxamed Sheekh.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Wariye Xasan Kuuriya oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya

Next Post
Wariye Xasan Kuuriya oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya

Wariye Xasan Kuuriya oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In