Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa maanta Deeq Raashiin ah gaarsiiyay Barakacayaal ku sugnaa Deegaanka Gubadleey ee Magaalada Muqdisho.
Deeqdaan oo ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta isla markaana lasoo marsiiyay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka. ayaa loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka abaaraha ay soo saameeyeen kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada dalka.